
Carruurta dacwadda ka gudbisay Malayia Airlines oo ah wiilal da'dooodu ay kala tahay 11 iyo 13 sano jir, waxa ay doonayaan magdhow ay bixiyaan dawladda Malaysia, ciidamada cirka iyo maamulka Shirkadda diyaaradaha, waxaanay dacwaddooda sababta uga dhigeen cidhiidhi nololeed iyo taageero la'aan soo-foodsaaray.
Qoysaska Rakaabka Diyaaradda la waayey la socday oo intooda badani ahaayeen muwaadiniin u dhalatay dalka Shiinaha, ayaa mag-dhow fara-guudkood ah oo lagu samirsiinayo ka helay shirkadda diyaaradaha ee Malaysia, haseyeeshee tallaabada wiilashadani ku dhaqaaqeen, ayaa waddo cusub ku furaysa shirkadda diyaadaha dalkaas oo dawladda Malaysia maamulkeeda gacanta ku hayso.
Sannadkan Gudihiisa, waxa shirkadda Malaysia Airlines soo food-saaray culays iyo dhaqaale la’aan ka dib markii diyaayarad ay leedahay oo siddey in ku dhow saddex boqol oo rakaab ah ku burburtay hawada sare ee waddanka Ukraine, wakhti ay diyaaraddaasi isaga kala gooshaysay magaalooyinka Amsterdam iyo Kuala Lumpur ee waddamada Holland iyo Malaysia.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment