Saturday, November 1, 2014

Meydka Taliyihii Booliska Soomaaliya oo baadhitaan loogu qaaday Waddamo Dibadda ah iyo Tirada dad loo xidhay tuhunka dhimashadiisa

Muqdisho, 01 Nov, 2014 (Himilo)- Dad tiradooda illaa Afartameeyo qof lagu sheegay oo Dhakhaatiir Caafimaad ay ku jiraan, ayaa loo xidh-xidhay tuhun la xidhiidha geerida Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneral Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo gelinkii dambe ee Khamiistii dorraad geeri deg-deg ahi ku timid.
xidiMeydka Marxuumka oo habeen-hore illaa gelinkii hore ee shalay Cusbitaallo ku yaalla Muqdisho baadhitaanno lagaga samayeeyey si loo ogaado sababta dhimashadiisu inay tahay mid caadi ah iyo in sun ama dawooyin qaldan la siiyey, ayaa isla Jimcihii shalay loo duuliyey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si halkaas baadhitaanno dheeraad ah loogaga sameeyo Meydka Taliyihii Booliska Soomaaliya oo sidoo kalena ay baadhitaankiisa qayb ka ahayd Guddi Wasiirro ah oo uu geeridiisa saacado ka dib habeen-hore u magacaabay baadhista Meydkaas.
Dadka loo xidhxidhay geerida Taliyihii Booliska Soomaaliya Allaah ha u naxariistee General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, ayaa waxay isugu jiraan Shaqaalaha Cusbitaalkii uu ku dhintay oo ay ku jiraan laba Dhakhtar, qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo sidoo kale Shaqaalaha Huteelka uu inta badan tegi jiray.
Guddi Wasiirro ah oo Khamiistii uu u saaray Raysal-Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa weli baadhitaan kuwada sababaha keenay geerida Taliyihii Booliska, sidaa awgeed si loo dhammaystiro baadhitaankaas, isla markaana xaqiiqada sababta keentay loo ogaado loo qaaday magaalada Niorobi, halkaas oo ay Saraakiil dawladda ka tirsan, Dhakhaatiir iyo Guddiga Wasiirrada ah ee baadhista Meydka Raysal-wasaaruhu u magacaabeen u sii raaceen diyaaradda shalay Meydka u duulisay Kenya.
Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliya General Maxamed Xasan Ismaaciil, ayaa si lama filaan ah Khamiistii dorraad uu naqasku u qabtay ama ugu dhagay, isagoo ku dhintay Cusbitaal ku yaalla degmada Shibbis ee gobolka Banaadir.
Meydka Taliyaha ayaa habeen waxaa baadhitaanno kala duwan lagu sameeyey laga fuliyey Cusbitaalka Difgeer ee Muqdisho oo dawladda Turkigu dhawaan dhistay, waxa sidoo kale baadhitaankaas oo kale loogu sameeyey gelinkii hore ee Jimcihii shalay Cusbitaalka Ciidammada Midawga Afrika ka socda ee AMISOM, balse weli lama sheegin natiijada ka soo baxday baadhitaannadan.
Lama oga illaa hadda sababta uu u geeriday Allaah ha u naxariistee Taliyuhu, waxaanu noqonayaa Mas’uulkii ugu horreeyay ee ka tirsan dawladda Soomaaliya oo baadhitaan intan le’eg lagu sameeyo Meydkiisa iyo sababta uu u dhintay oo tuhun badan laga qabo in cid gaar ahi ka dambaysay geeridiisa.
General Maxamed Xasan Ismaciil oo ka mid ahaa Saraakiishii Booliska Soomaaliya muddada dheerna ka shaqeynayay, ayaa horraantii bishii July ee sannadkan loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, isla markaana waxa loo arkayey inuu wax badan ka qabtay Amniga Caasimadda Muqdisho iyo gobollada dalkaasi Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment