Marka la eego xaalada dalkeena ee wakhtigan xaadirka ah, gaar ahaan magaalada Hargeysa waxa ka muuqanaysa in qabyaaladu ay muddo dheer heerkeedii ugu sareeyey ay maanta marayso. Dhibaatadu maaha inaynu nahay qabaa’il wada degan, maxaa yeelay, Illaaheena wayn baa sidaa inoogu talo galay, oo inaga dhigay bulshooyinka iyo qabaa’ilka aynu nahay. Taasina inaanay khalad ahayn buu Illaahay Qur’aanka inoogu cadeeyey, isagoo inoogu talogalay in la isku garto oo la isku garto oo keenaysa in la isku xidhiidhiyo qaraabo ahaan. Haddaba, dhibaatada ugu weyni waxay tahay iyadoo laga leexdo sidaa uu Illaahay inoogu talo galay, oo ah inaynu qabiilka u adeegsano shaadh xumaanta loo soo xidho. Tusaale ahaan, bulsho ka hadleysa arrin danta guud taabanaysa oo muujinaysa dareenkooda ayaa waxaad arkaysaa shakhsiyaad magac qabiil huwan oo dadkii hadlayey ku tilmaamaya qabiil khaldan. Hadalkaasi qabiileysani wuxuu keenayaa in si qabiileysan ay qaar kale ugu jawaabaan, sidaana uu afku ku xumaado. Gacanta xumaata iyo dagaalkana waxa keena af-xumooyin ka horeeyey.
Arrinta xarunta akhriska ee Gaandi Library, dhalinyaradii ka hawlgashay amaan bay mudan yihiin, kuwii se markiiba magaca qabiilka huwiyey ayaa dembiileyaal ah oo haddii aan ifka laga jarin tii aakhiro ayaa u laaban. Waliba haddii ay sulaadiin noqdaana waa foolxumo ka sii weyn, oo Suldaanku waa nabadeeye ee maaha fitmo walle.
Waxaan bulshada guud ahaan kula talin lahaa in ninka magac beeleed huwan ee hadalada deelqaafka ah caadaysta in ka ugu dhawi uu wax ka qabto. Si ay niyadsamida iyo wada noolaanshaha bulshadu u sii fiicnaato. Haddii se loo qushuuco oo loo arko geesi hadley, waxay taasi keenaysaa in sidii maalintii dhaweyd dhacdey ay timaado in qaar kale u jawaabaan. Suldaankuna waa afhayeen beeleed, oo marka uu beel caayo, waxay ka dhigan tahay in beeshiisii ay wax caydey. Haddii qaar kale u jawaabaana beelo is caayey, kadibna dagaalamay, taasna waynu garan karnaa natiijadeedu waxa ay tahay.
Aqoonyahanada qabyaalada is diidsiinaya waxaan kula talin lahaa inaanay noqon sidii dadkii iyagoo qaba cudurada xunxun haddana is diidsiinayey ee dafirayey. Wixii aad qarsataana wuu ku qarsadaa. Qarsatada qabyaalada ee haddana aqoonyahan ka sheeganaysaa waa kuwa ugu xun. Waa in la qirto, kadibna dhibta ay leedahay iyo inta laga adeegsan karo la kala qeexo. Haddii kale oo la is huursado waxaa imanaysa in nin dhan oo madax dhaqameed ama siyaasi ahi uu si fudud dadka isugu dhufan karo.
Tusaale ahaan, arrintii dhawaan Hargeysa ka socotey, waxay ahayd wax lala yaabo, oo salaadiintii isu jawaabaysay waxaa ka sii darnaa kuwii iska soo dhexgalay ee baloodhada dawlada reer hebel baa leh yidhi. Maxay soo kordhiyeen, arrintii khaldanayd ayey islahaayeen gaas iyo khabriid ku sii qabta. Kuwii xaal baanu bixinay lahaa baa kasii liitey iyagana.
Hadal iyo dhamaan, waxa inala gudboon bulsho ahaan in dawlada lagula xisaabtamo nidaam bulsheed, ka qabiileeyana meel looga soo wada jeedsado.
Garyaqaan: Xasan Cali Xasan (Banfas)
Email: qareenxasan@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment