Thursday, November 6, 2014

Cirro oo si guud-mar ah uga hadlay Nuxurka kulammo dhex-maray Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha oo Khilaafka Xeerka diiwaangelinta u yimi Hargeysa

Hargeysa, 06 November, 2014-(Himilo):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si aan faahfaahsanayn uga hadlay ujeeddada kulammo dhex-maray Wefti ka socday Qaadhaan-bixiyeyaasha Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera geeddi-socodka dimuquraadiyadda iyo hirgelinta doorashooyinka oo Hargeysa maalmihii u dambeeyey u joogay sidii isfaham looga gaadhi lahaa ansixinta Xeerarka diiwaangelinta Madaniga ah, ta Cod-bixiyeyaasha iyo Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka.
4988120302e3c1cc1f7099e40b9e7996_LGuddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro oo ka mid ahaa dhinacyada ay Weftigaasi kulammada la yeesheen intii ay joogeen Hargeysa, ayaa shalay mar uu Warbaahinta la hadlay sheegay waxyaabaha ay Xubnaha Weftigaas ka wadahadleen Guddoomiye ahaan. “Sida aad ka warqabtaan waxaa Isniintii iyo Salaasadii joogay (Hargeysa) Wefti ballaadhan oo ka socda Beesha Caalamka, gaar ahaana Qaadhaan-bixiyeyaasha gacanta ka siiya Somaliland xagga Dimuquraadiyadda iyo xagga horumarka-ba. Markaa, Weftigaasi wuxuu u socday guud ahaan arrimaha Somaliland oo ay ka mid yihiin doorashooyinka, diiwaangelinta Cod-bixiyaha iyo Deeqaha la siiyo Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.
Waxaanu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo si guud mar ah uga hadlaya waxyaabaha ay Weftigaa ka wadahadleen, waxa uu yidhi; “Waannu is aragnay, waxaannu kala hadalnay oo iyaguna nooga war-bixiyeen guud ahaan arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangalinta iyo dhammaan arrimaha Somaliland khuseeya, hadday tahay Sanduuqa horumarinta Somaliland oo dawlado aan hore ugu jiri jirini ku soo biireen oo markii hore wuxuu Sanduuqu ka koobnaa Ingiriiska iyo Denmar, haddana waxaa ku soo biiray dawlado ay ka mid yihiin Holand, Jarmal-ka iyo Norway.markaa Guud ahaan Arimaha doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada,arimaha qaddiyadda Somaliland iyo warbixinaha guud ee Somaliland ayaanu ka wada hadalnay.”
Weftigan ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah, ayaa maalmahanba u kala dab-qaadayey dhinacyada hawlaha doorashooyinka ee qabyada ah masuuliyaddu ka saaran tahay oo kala ah Madaxweynaha, Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo Shirguddoonka Golaha Wakiillada, si ay isugu soo dhaweeyaan dhinacyadaas oo khilaafyo la xidhiidha Xeerka diiwaangelinta ee Wakiilladu ansixiyeen ee Guurtida loo gudbiyey oo Mudanayaasha Muxaafidku ku eedeeyeen Guddoomiye Cirro inuu qodobbo dheeraad ah ku darsaday, qaar ku jiray-na tirtiray, eedayntaas oo uu Cabdiraxmaan-Cirro-na waxba kama jiraan ku tilmaamay, kuna dooday wax Xukuumaddu ka dambayso.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Guddiga Joogtada ah ee Golaha

No comments:

Post a Comment