Thursday, November 13, 2014

Cusbitaal Maraykanka ku yaala oo Magdhow ka bixiyey Nin Afrikan ah oo Cudurka Ebola ugu geeriyooday

“Maraykanka ayaa sameeyey xanuunka Ebola si loogu yareeyo tartanka dadka Afrika” – Qoyska Ninka u dhintay Cudurka Ebola

Monrovia, 13 Nov, 2014 (Himilo)- Cusbitaal ku yaala magaalada Dallas ee dalka Maraykanka, ayaa magdhow ka bixiyey geerida nin u dhashay dalka Liberia oo laga helay Cudurka Ebola, ka dib markii uu booqasho ku tagay dalkaas bishii hore.
Thomas Eric DuncanArrintaas oo ka dambaysay markii ay soo baxday dhaliilo loogu jeediyey maamulka iyo dhakhaatiirta cusbitaalka inay ka gaabiyeen daawayn ay ku badbaadin karayeen Thomas Eric Duncan oo bishii hore geeriyooday, iyada oo gudaha Maraykanka lagu daaweeyey muwaadiniin Maraykan ah una badan shaqaale caafimaad oo cudurka laga helay iyaga oo ka hawl-galayay hay’ado caafimaad oo ka shaqeeya Galbeedka Afrika.
Haweenay ay walaalo Ninkaas, ayaa sheegtay in Maraykanku ikhtiraaceen cudur-dhaliyaha cudurka Ebola oo faro-baas ku haya saddex waddan oo ku yaala Galbeedka Qaaradda, kuwaas oo kala ah Liberia, Guinea iyo Sierra Leone.
Hawenaydan oo lagu magacaabo Mary Pearson, waxa ay sheegtay in Maraykanku sameeyey Virus-ka cudurkan si ay dadka Afrikaanka ah ugu yareeyaan tarankooda, iyada oo ku doodday in walaalkeed aargoosi dartiisa looga daweyn waayey maadaama dalka Maraykanka lagu daaweeyey shaqaale caafimaad oo u shaqaynayey hay’adaha gar-gaarka oo xannuunkan ka qaaday bukaanno ay kaga dawaynayeen dalalka Galbeedka Afrika.
Mrs Pearson oo Caasimadda Monrovia ee dalka Liberia ku haysata Dukaan weyn, waxa ay sidaas ku sheegtay waraysi jariiradda MailOnline oo dalka Ingiriiska laga leeyahay kula yeelatay iyada oo ku sugan meheraddeeda. Waxaanay sheegtay in xannuunkan halista ah ay tijaabo ahaan u sameeyeen khubarada Maraykanka si ay ugu gudbiyaan shacabka qaaradda Afrika si heerka koriinkoodu u yaraado.
“Waxaan maqlay in xannuunka Ebola lagu ikhtiraacay Maraykanka, ka dibna u soo direen inaan ku dhimano. Waa idinka kuwa soo dhoofiyey si aan ugu dhimano. Kadibna waxay ku dhaliilayaan Laybeeriya xannuunka Ebola, walaalkay wuxuu u dhintay daaweyn la’aan.”
Thomas Eric Duncan oo ku dhintay magaalada Dallas ee dalka Maraykanka oo uu socdaal ku tagay bishii hore isaga oo ka tagay dalka Liberia, ayaa la sheegay inuu xannuunka Ebola ka qaaday haweenay xaamilo ah oo uu ka caawinayey si ay cusbitaalka u gaadho.
Sida wargeysku qoray, in kasta oo Mrs Pearson ay ku doodday inaanu walaalkeed helin daaweynta loo fidiyey muwaadiniin Maraykan ah oo xanuunkaasi saameeyey, haddana waxa la sheegay in cusbitaalka uu ku geeriyooday oo lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen daaweynta walaalkeed, lagu khasbay inay magdhow ka bixiyaan geeridiisa.
“Waan baryootanay, oo u cabanay. Waxaan u sheegay inaan dhiig u shubi doono. Waxaan codsanay talaabo kastoo lagu badbaadin karayey, balse way na diideen,” sidaas ayay tidhi Haweenaydani.
Sagaal qof oo xannuunka Ebola looga daaweeyey gudaha dalka Maraykanka, ayaa dhammaantood lagu guulaystay inay xannuunkaas ka soo kabtaan, marka laga reebo muwaadinka u dhashay dalka Liberia.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment