
“Waqti lagu gaadhi lahaa ujeedooyiinka iyo hiigsiga istiraatiijiyadda 2016-ka, oo ay ka mid tahay in la qabto doorashooyiin. Sidaa darteed waxaa dhinacyada Soomaaliya oo dhan ku boorineynaa inay xalliyaan khilaafka iyagoo u maraya hannaan siyaasadeed, sida in la xushmeeyo hubka baarlamaanka, lagana wada shaqeeyo danaha Soomaaliya,” sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkaas.
Dawladda Britain ayaa sidoo kale tilmaamtay in xilli loo baahnaa in horey loo socdo uu ku soo beegmay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda Soomaaliya, waxaana qoraalkaas lagu yidhi; “Waqtiga qalalaasahan uu ku soo beegmay waa mid laga xumaado, waxay ahayd in diiradda la saaro hannaanka siyaasadeed ee 2016-ka, iyadoo todobaad ay ka dhimantahay shirka loogu ballansan yahay Copenhagen. Halkaas oo Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha caalamka ay dib isula eegi doonaan hormarka laga gaadhay is-afgaradka Somalia New Deal ee bishii September ee sannadkii hore la isku raacay.”
Waxay sidoo kale, Britain xaqiijisay inay ka go’an tahay caawinta iyo dhisidda Soomaaliya oo madaxbannaan, nabad ah, dimuquraadi ah oo Federal mideysan ah.
Dawlado kale oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Masar iyo sidoo kale Midawga Yurub, Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, Urur-goboleedka IGAD iyo Midawga Afrika, ayaa baaqyo kan oo kale ah u jeediyey Madaxda dawladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysal-Wasaaraha inay khilaafkooda xal iyo wada-hadal si dhaqso ah ugu dhammeeyaan, iyagoo Mudanayaasha Baarlamaankana uga digay inay kala qaybsamaan oo ay dhibaatada khilaafka qayb ka noqdaan, isla markaana la kala saftaan Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha, isagoo Salaasadii fashilmay Mooshin ka dhan ah Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh oo ay Xildhibaanno Madaxweynaha dalkaasi taageersani ka keeneen Golaha, ka dib markii buuq iyo sawaxan hadheeyey Fadhigii Salaasada ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment