Thursday, November 6, 2014

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Oo Warbixin Ka Dhegaystay Maayerka Caasimadda Hargeysa

Hargeysa 06 Nov, 2014 (Himilo)- Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (soltelco), ayaa Hortegay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, waxaana uu Warbixin ka siiyey Masuuliyadda iyo hawlaha shaqo ee ay dawladda hoose Bulshada Caasimadda u hayso.
Maayerka, ayaa warbixin dheer ka Horjeediyey Guddidaas, waxaana uu Mid mid u dul istaagay waxyaabihii uu qabtay Muddadii Koobnayd ee uu xilka hayey, isagoo sidoo kale carrabka ku dhuftay carqalado hortaagan Geedi-socodka Hawlaha shaqo ee Dawladda Hoose ee Hargeysa.
solt iyo guurtiMaayarka, ayaa Warbixintiisa si gaar ah diiradda ugu saaray Arrimaha Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda, waxaana uu tilmaamay inuu wax badan ka qabtay Arrimhaas, isla-markaana ay ka Go’antahay inuu qabyo tiro wixii ilaa haatan u baahan in la qabto si caasimaddu u noqoto mid horumarku ka muuqdo.
Maayir Soltelco, ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay inay Hirgeliyeen Dab-damisyo baahi weyn ay caasimaddu u qabtay, waxaana uu xusay in qaab darrada suuqyada caasimaddu ay halis badan ku hayaan Nolosha dadka iyo Hantidaba, maadaama ay is dhexyaallaan waxyaabo ay haboonayd in la kala saaraa.
“Waxaannu wax ka qabanay oo Hawl muhiima ahayd Dab-damiska, Markaad eegtana Sida ay Hawlaheenu is ku dhex yalaan waad aragteen kuwaas oo ay ka mid yihiin Xadhkihii laydhka, Dharkii, Kaalmihii Shidaalka, Hadana anaga oo eegayna Awoodayada waxaanu keenay Dab-damis waxaana naga caawisay Wasaarada Maaliyada Hadana waxa jooga Magaalada hargaysa 8 Dab-damis oo loogu talo galay inay Dabka Bakhtiiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Maayerka magaalad Hargeysa.
Duqa Caasimaddu waxa uu ka warramay inta Gaadiid ah ee kusoo Korodhay Dawladda hoose inta uu xilka hayay, waxaana uu yidhil; “Markii hore waxaanu kiraysan jiray Gawaadhida shacabka, Laakiin hada waxaanu soo korodhinay, gawaadhi waaweyn oo labadii ugu horeeyey hada ay shaqeeyaan Tankooduna yahay 24tan, waxaanu soo iibinay Cagaf-yo iyo Rug-lay Samaysa wadooyinka, waxaanu dayac Tirnay oo aanu kicinay Cagaf Noo taalay dawlada hoose ee hargeysa, waxaanu iibinay iskaragooyin kuwaasoo gacan siiya shirkadaha Qashinka.”
Maayar Soltelco, ayaa Guddida Joogtada ah u xaqiijiyey in shaqadii uu ka joojiyey Shirkado hore u guri jirey qashinka, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay shaqadoodii gudan waayeen, waxaanu yidhi; “Waxaannu shaqadii ka erinay Laba shirkadood oo shaqada sidoodii u gudan waayay,waxaanan soo kordhinay laba shirkadood oo kale iyo shirkad kale Oo ka shaqeeysa xaga caafimaadka, taasoo ka shaqayn doonta dhakhtarada eegi doontana Dawooyinka ay keenaan.”
Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland oo kulankaasi la yeeshay Maayarka ayaa su’aalo ka weydiiyay Dhinaca arrimaha bulshada kuwaas oo Maayarku ka jawaabay. Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida somaliland, ayaa inta Goleweynuhu fasaxa ku jiro, waxay u yeedhaan Masuuliyiinta shaqada qaranka ee kala duwan haya, waxaana ay weydiiyeen su’aalo la xidhiidha shaqadooda iyo habka ay uga midho dhaliyeen Dedaalkooda ku aadan shaqada ay hayaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment