

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Maamulaha dugsiga Faarax Oomaar Axmed Cabdiraaxmaan Warsame, waxaana uu xusay heerkii waxbarasho ee ardayda ay sagootinka u qabteen, sidoo kalena wuxuu ka war-bixiyay guud ahaan marxaladda uu marayo dugsiga Faarax Oomaar. Maamule Axmed Cabdiraxmaan Warsame ayaa ku hambalyeeyay ardayda ay sagootiyeen dedaalkii ay la yimaadeen waxaanu u rajeeyay mustaqbal wanaagsan oo ay ka gaadhaan waxbarashadooda.
Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan oo hadal kooban xafladdaas ka jeedisay, ayaa waxay hambalyo iyo bogaadin u dirtay ardaydii sannadkan dugsigan ka baxday ee imtixaanka u fadhiisatay ee xafladan loo qabtay oo tiro ahaan 298 oo arday ahayd, waxay si gaar ah Wasiir Samsam ugu hambalyaysay maamulka, macalimiinta wax-qabadka iyo horumarka ka muuqata ardayda iyo dugsigaba, waxaanay dugsiga Faarax Oomaar ku tilmaantay inuu ka mid yahay dugsiyada ay wasaaradda Waxbarashadu ku faanto horumarkiisa iyo tayada ardayda ka baxda oo aad u heer sareeya, waxay ku boorisay maamulka, macalimiinta iyo ardayda dhigataba inay halkaa ka wadaan dedaalka si ay tusaale ugu noqdaan dugsiyada dhigooda ah ee tayadoodu hoosayso, iyo sidii ay kaalin muuqata doorka dambe ay uga gali lahaayeen imtixaanka Shahaadiga ah.
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiintii ka soo qeyb-gashay xaflada sagootinta ah, waxaanay ardayda ka baxday dugsiga Faarax Oomaar u rajeeyeen mustaqbal wanaagsan inay ka gaadhaan waxbarashadda. Ugu dambeyntii maamulaha dugsiga iyo macalimiintii ayaa shahaado sharafyo lagu maamuusayo dedaalkooda iyo kartidooda la guddoonsiiyay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment