Wednesday, November 5, 2014

Guddoomiye Cirro Oo Ka Warbixiyey Kulamo Uu La Qaatay Wufuud Ka Socotay Beesha Caalamka Ee Somaliland Taageerta

Hargeysa:Nov,05,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan     Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa saxaafadda uga warramay Kulamo gaar ah uu la qaatay waftiyo ka socday Beesha caalamka oo somaliland maalmahan ku sugnaa.

cirroGuddoomiye Cirro waxa uu tilmaamay inay is arkeen, isla-markaana fadhiyo yeesheen Wufuud ballaadhan oo ka socday Beesha caalamka ee Arrimaha Somaliland taageerta, waxana uu carrabka ku dhuftay inay ka wada Hadleen Arrimaha Doorashooyinka oo haatan dalka si weyn looga dareemayo.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu xusay inay waftigan ay kulamada la qaateen dalka ka wadaan Qiimayn dhinaca Horumarka ah, isla-markaana ay si weyn uga Wada Hadleen Arimo badan oo ku saabsan dhinaca doorashooyinka,

“Sida aad ka warqabteen waxa isniintii ilaa iyo salaasadii dalka joogay wafti ballaadhan oo kasocda Beesha caalamka gaar ahaan deeq bixiyayaasha gacanta ka siiya somaliland, xagga dimuqraadiyadda iyo xagga horumarkaba, markaa waftigaas oo u socday arrimaha Doorashooyinka, Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo deeqaha la siiyo somaliland, waanu aragnay, waxana ay nooga Warbixiyeen Arrimaha Somaliland khuseeya,”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Maalmahan dambe waxa somaliland kusoo noqnoqnayey Wufuud kala duwan oo dhinaca arrimaha Doorashooyinka ujeeddadoodu tahay, waxana Imaanshahoodu kusoo beegmayaa xilli ay Golaha Wakiilladu diideen inay yeeshaan fadhigii ay ku ansixin lahaayeen Guddida Diiwaangelinta, waxana jira khilaaf Hoose oo Xubnaha Baarlamaanka laba garab u kala jabiyey.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment