Wednesday, November 5, 2014

Kuraastii Ugu Badnayn Aqalka Senate-ka Maraykanka Oo Uu Xisbiga Jamhuurigu Ku Guulaystay

Washington:Nov,05,2014(Himilo)-Doorashadii Xilliga dhexe ee Dalka Maraykanka, ayaa waxa Guulo waaweyn kasoo Hooyey Xisbiga Jamhuuuriga, kaas oo Kuraas Badan ka Helay Aqalka Miisaanka Badan ee Senate-ka.

begeDoorashada golaha dhexe ee Mareykanka ayaa ahaa mid aad xiiso u laheyd maalmihii u dambeeyay, iyadoo labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ay aad ugu loolamayeen helida kuraasta ugu badan ee aqalka Senate-ka

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay kuraasta Senate-ka ee gobollada South Dakota, West Verginia, Arkansas, Montana, Iowa, Colorado iyo North Colorado.

Mitch McConnell oo dib loo soo doortay gobolka Kentucy, ayaa wuxuu noqonayaa hoggaamiyaha aqalka Senate-ka Maraykanka.

Xisbiga Jamhuuriga oo hore u maamullayay aqalka hoose ee Congress-ka ayaa wuxuu sidoo kale balaardhiyay kuraasta uu ku leeyahay aqalkaasi.

Labada xisbi siyaasadeed ee Mareykanka ugu waaweyn ayaa malaayiin dollar oo ka badan lacagtii hore loogu bixin jiray ololaha doorashada dhexe ku bixiyay loolanka adag ee ay ugu jiraan kuraasta aqalka senate-ka.

Xisbiga Jamhuuriga oo haatan maamulli doona labada aqal, ayaa awood u yeellan doona inay madaxweyne Obama ka hor istaagaan siyaasaddahiisa labada sanno ee uga dhiman xilka madaxtinimada.

Sidoo kale Xisbiga Dimuqraadiyiinta waxey guul weyn ka gaadheen Gobolka New Hampshire oo ay ku soo baxday Senator Jeanne Shaheen.

Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in Dimuquraadiyiintu ay wajahayaan tartankii ugu adkaa tan iyo 1958-dii, markii Jamhuuriyiinta looga hormaray kuraasta Senateka, xilligaas oo uu Madaxweyne dalka ka ahaa Eisenhower.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment