
“Dabadeedna Saaxiibkaygii aanu wada-soconnay ayuu yidhi ‘Miyaand wax akhriyin oo wax arkin? Maxaad u baahan tihiin quraacda?’ Ka dibna waxuu bilaabay aflagaado iyo inaan ka baxno meheradiisa.” Sidaa ayuu yidhi Yaasin Faarax oo ka sheekaynayey dhacdada kala qabsatay ninka meheradda haystay.
Yaasiin Faarax waxa uu sheegay inay isla markiiba la xidhiidheen uga dacwoodeen ciidanka ammaanka aflagaaddada uu ninkani kula kacay, sidaana xabsiga loogu taxaabay. “Waxaan la xidhiidhay booliiska, maadama uu yahay maamuliihii Meesha, xaaladdiisu caadi ma ahayn. Qofna xaq uma laha inuu macaamiisha sidaa ula hadlo bulshooyinka wakhtigan,” ayuu yidhi Yaasiin.
Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay shirkadda McDonald oo laga leeyahay dalka Maraykanka oo ka furan waddamo badan, ayaa ka hadlay dhacdadan. “Way na soo gaadhay arrinkaasi, isla markaana ku jirnaa sidii aanay dib ugu dhicin falkaasi,” ayuu yidhi Afhayeenku.
Sidoo kale, Afhayeen u hadlay booliiska ayaa warbaabinta u faahfaahiyey dhacdada dhexmartay maamulaha meheradda iyo macaamiisha ka cuntaynaysay, waxaanu yidhi, “Booliiska waxa loogu yeedhay dhacdo isir-cay iyo aflagaado ka dhacday meheradda McDonald xilli aroornimo ah.”
Sarkaalka booliska ee u hadlay Ciidamada Ammaanka, waxa uu sheegay la sii daayey maamulihii meheradda ka dib markii digniin loo jeediyey, waxaanu yidhi,“Nin da’diisa ahayd 41 jir ayaa la xidhay lagu eedeynayo inuu geystay aflagaado dembi ah sida qoddobka afraad ee xeerka Anshaxa guud tilmaamayo. Waxaana loo jeediyey digniin.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment