
Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ugu horreysan Warbaahinta la hadlay, waxa uu yidhi; “Wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Itoobiya, dawladdaas oo ah dawlad aynu jaar nahay, walaalo nahay, cilaaqaad ballaadhan leenahay, Weftigan oo ahmiyaddiisa ugu wayni tahay sidii cilaaqaad iyo waxqabasho xagga dhaqaalaha iyo horumarka ah aannu uga wadahadli lahayn, waxa hoggaaminaya Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Sufyaan, Wasiirro badan iyo Kooxo kalena way la socdaan.”
“Waxa ugu muhiimsan ee aannu ka wadahadlayno waxaa ka mid ah Dekedda Berbera, Laydhka, Jid Tareen aannu doonayno in la sameeyo iyo Waddada Berbera iyo Addis iyo waxyaabo badan oo ku lug leh horumarka iyo dhismaha waddankeenna.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ahna hoggaamiyaha Weftigan Axmed Sufyaan, ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee uu booqasho ku yimaaddo dalka Somaliland, isla markaana uu ku faraxsan yahay sida Caasimadda Hargeysa ay dawladda Somaliland ugu soo dhawaysay Weftiga uu hoggaaminayo, soo-dhawayntaas diirran oo uu sheegay inuu ka mahad-celinayo.
“Waannu la soconnaa horumarka Somaliland ee dhinacyada nabadgelyada iyo horumarka. Sida Wasiir Biixi sheegay waxa ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya xidhiidh fiican, Jaarnimo, Dhaqan-wadaag iyo Walaalnimo Taariikhi ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda dawladda Federaalka ah ee Ethiopia Axmed Sufyaan.
Wasiir Sufyaan oo Sharraxaya ujeeddada socdaalka ay Somaliland ku yimaaddeen waxa uu yidhi; “Waxaannu halkan Somaliland u nimi sidii aannu kor ugu qaadi lahayn xidhiidhka dhaqaalaha ee dhinacyada Ganacsiga naga dhexeeya Somaliland, waxaannu ka wadahadlaynaa arrimo ku jiraan dhismaha Tamarta Korontada, Waddada Berbera iyo Itoobiya, qorshaynta jidka Tareenka iyo sidoo kale suuragalnimada Isticmaalkayaga Dekedda Berbera, sida uu Wasiirku-ba sheegay.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment