Wednesday, November 12, 2014

“Maanta waxa igu soo duulaysay in xisbiga waddani rag kamid ahi ay yidhaahdeen Burco ma midaysnee waa Midaynaynaa, Burco waa midaysan tahay maalin….”Guddoomiyaha Togdheer.

Burco:Nov,12,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa Ka Hadlay Dhoolatuska siyaasadeed ee Gobolkaas ay ka wadaan Axsaabta Mucaaridku iyo waliba Hadallo Hoggaanka Mucaaridku ku dureen isku duubnida Shacabka reer Buco ee xilligan.

maxamed muuseGuddoomiye Maxame Muuuse oo u warramay Tv-ga qaranka, ayaa sheegay in sida ay xukuumaddu ugu oggolaatay mucaaridka inay isu soo baxyo sameeyaan ay muujinayso in xukuumaddu dalka ka hirgelilayso nidaamka kala dambayneed iyo is ixtiraam dheeri ah.

Guddoomiye Maxamed Muuse waxa ku adkaystay in tallaabada mucaaridku ka hor xilliga Ololaha uu shacabkiisa isugu soo saarayaa ay ka markhaati kacayso cabudhin la’aan iyo cadaadis la’aan xukuumaddu caan ku tahay,

“Maanta halkan waxa yimi Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ka horna waxa laba jeer yimi Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, wax dhibaato ahina may dhicin, xilligii ay ololaha qaadi lahaayeenna may gaadhin Runtii, Waxana la yidhaahdaa xukuumaddu dadka way cabudhisaa, inaanay Cabudhinna waxa daliil kuugu ah iyadoo aan xeerku oggolayn in Xisbiyo wareega ah oo gaadiid isdaba geliya oo Kaambayn qaada oo magaalooyin Badhtankooda ka qudbadeeya oo dadka wax jira iyo waxaan jirinba u sheeg ayey u ogolaatay iyadoo dalka taladiisa haysa inay taas sameeyaan.”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.

Guddoomiyaha ayaa waxa hadalkiisa ku sheegay inaanu raalli ka ahayn Hadallo hogaanka Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ka shegeen Magaalda Burco oo ahaa in shacabka halkaas deggeni kala qaybsan yihiin, waxana uu tilmaamay inay reer Burco Midaysan yihiin xilligan, waxana uu yidhi,

“Afxumo waxa la yidhi Nabadna way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto, maanta waxa igu soo duulaysay in xisbiga waddani rag kamid ahi ay yidhaahdeen Burco ma midaysnee waa Midaynaynaa, Burco waa midaysan tahay maalin ay ka wanaagsan tahay ma jirtee idinku hanaga qasina oo hannaga qaybinina.”

Waxa uu u diray farriin xisbiyada Mucaaridka ah farriin uu ku sheegayo inaanu aqbali Karin inay kusoo noqnoqdaan Magaalada Burco, waxana uu yidh,

“Muddaa ka hadhsan Doorashadii xilliga la ogol yahay in Kaambayn bilaabmana waa la garanayaa, Labada Xisbi ee kale waa Noo yimaadeen iyagana xilligooda waa siinaynaa, laakiin waxanu leenahay Hanagu soo noqnoqonina inta Kaambaynku bilaabmayo”

Hadalka Guddoomiyaha Togdheer ayaa kusoo beegmaya xilli Xisbiga waddani uu magaalada Burco ka dhigay Dhoollatus ballaadhan oo uu cududiisa ku muujiyey,waxana arrintaasi dareen gelisay Xukuumadda talada Haysa oo si gaar ah ugu xisaabtanta Deegaankaas.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment