Ouagadougou, 01 Nov, 2014 (Himilo/W.Wararka)- Madaxweynaha dalka Bukrina Faso ee Galbeedka qaaradda Afrika, Blaise Compaore oo 27 sano xilka hayey, ayaa shaaca ka qaaday inuu is-casilay Jimcihii shalay oo uu xilka iskaga dagey xilka, ka dib laba maalmood oo ay Muddaharaadyo waawayn oo ay Shacabku isaga kaga soo horjeedeen ka socdeen Caasimadda dalkaas ee Ouagadougou, kuwaasoo bannaan-baxadoodu sababay inay gubaan Dhismaha Aqalka Baarlamaanka.


Bannaan-baxa Shacabka reer Burkina Faso ka dhigeen caasimadda dalkaa, ayaa ku yimi ka dib markii uu madaxweye Compaore shaaca ka qaaday inuu mar kale u taagan yahay xilka madaxweyne oo tiraba dhowr jeer doorashooyin ka dhacay dalkaas dib loogu doortay.
Taliyaha Ciidammada Millateriga Burkina Faso General Honore Traore, ayaa qoraal Madaxtooyada ka soo baxay lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyaha dalka Burkina Faso sida uu dhigayo Dastuurka dalkaas qodob ka mid ah oo qoraalka warkan lagu sheegay inuu dhigayo in muddo 90 maalmood ah lagu qabto doorasho inta doroashadaas la qabanayana uu Taliyuhu yahay Madaxweynaha dalka.
Geesta kale, Ciidamada Burkina Faso, ayaa sheegay in Madaxweyne Blaise Compaore, ayaa xilka ka degey muddo 27 sanno kadib oo uu xukunka hayey. Taliyaha Ciidammada. Burkina 24 News oo soo xiganeysa Afhayeen u hadley Ciidammada, ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu is casiley Jimcihii ah, kadib markii laba maalmood dad bannaanbaxyo dhigayaa ay gubeen dhismaha Baarlamanka dalkaas, iyagoo diiddan go’aan la doonayey in loogu oggolaado Mr Compaore inuu mar kale isu soo taago jagada Madaxtinnimada. Afhayeenka Ciidammada Burkina Faso Colonel Isaac Zida, muu sheegin halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha is-casilay Mr. Compaore inuu dalka ka baxay iyo inuu ku sugan yahay toona.
Blaise Compaore, ayaa lagu eedeeyay in uu taageero siin jiray Jabhado ka dagaallami jiray dalal ku yaalla Galbeedka Afrika oo ay Sierra Leone ka mid tahay. Hase-ahaatee, Madaxweyne Compaore ayaa mudooyinkii dambe hagaajiyay sumcaddiisa uu ku leeyahay gobolka iyo caalamkaba, waxaana uu qeyb ka ahaa dedaallo lagu xallinayay colaado ka dhacay dalalka Ivory Coast, Mali iyo Guinea.
Waxaa u sidoo kale xidhiidh dhaw la sameystay dalka Faransiiska oo uu u oggolaaday in uu Saldhig Ciidan ku yeesho dalkiisa Burkina Faso. Compaore ayaa ku guuleystay doorashooyin isxig-xigay oo Burkina Faso ka dhacay, inkastoo ay natiijooyinka doorashooyinkaasi ka qeyliyeen Mucaaradka dalkiisa oo ku tilmaamay kuwo aan xor iyo xalaal ahayn ee ku shubasho iyo wax-is-dabamarini hadhaysay.
Si ka duwan Madaxweynihii ka horreeyay, ayuu Compaore u qaaday dhabbo dhaqaale oo waafaqsan talooyinka Hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah. Iyada oo ay sidaa tahayna, Burkina Faso waxa ay weli ka mid tahay dalalka heerka saboolnimada uu aad ugu sarreeyo. Faqiirnimada heerka sarreysa ee dalkaas ka jirta iyo caadaysiga iyo isku-dayga muddo-dheeraysiga Madaxweyne Compaore, ayaa sabab u ah kacdoonka iyo dibed-baxyada maalmihii u dambeeyey ka taagnaa Caasimadda waddankaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment