“Waxa gadooday dadkii xafladda soo qaban-qaabiyey, taageeraayashii iyo dhalinyaradiina oo ka xanaaqday, taas awgeed annagoo ammaankooda…” – Badhasaabka Gabiley – WARAYSI GAAR AH
Gabiley, 01 Nov, 2014 (Himilo)- Maxkamadda degmada Gabiley, ayaa maanta la horgaynaa Laba wariye oo ka hawl-gala Telefishannada HCTV iyo SOMSAT oo ciidamada booliska ee magaaladaasi Xabsiga ugu taxaabeen dacwad maamulka heer gobol ee Xisbiga Kulmiye ka gudbiyey labada Weriye oo lagu eedeeyey inay ka been-abuureen isla markaana war xaqiiqada ka fog ka tabiyeen Xaflad xisbiga Kulmiye dorraad Khamiistii ku qabsaday magaalada Gabiley.


Barxadda hore ee Hotelka ay ka socotay Munaasibad ballaadhan oo Xisbiga Kulmiye taageerayaashiisa ugu qabtay, waxa rabsadho ka hordhigay dhalinyaro gadoodsan oo ka soo horjeedday xisbiga, kuwaas oo goobta xafladdu ka socotay dab ku qabadsiiyey calanka midabadda Cagaarka iyo Huruudda isugu jira ee astaanta u ah Xisbul-xaakimka, waxaanay weriyeyaashu war ka tabiyeen dhacdadii goobta ka socotay gelinkii hore Khamiista.
Haseyeeshee, Badhasaabka Gobolka Gabiley Md Mustafe Cabdi Shiine oo Wargeyska Himilo xalay khadka telefoonka ku weydiiyey sababta ka dambaysa xadhigga labada Suxufi ee waajibaadkooda gudanayey iyo Cidda ay u xidhan yihiin, ayaa ku dooday in labada weriye war xaqiiqada baalmarsan oo samays ah ka baahiyeen xafladda xisbiga, ka dib markii, sida uu sheegay, is-maan-dhaaf dhexmaray maamulka gobolka ee xisbiga Kulmiye.
Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Shiine waxa uu dafiray isla markaana waxba kama jiraan xaqiiqada ka fog ku tilmaamay calanka Xisbiga Kulmiye oo dhalinyarada gadoodsan Khamiistii ku gubeen magaalada Gabiley, kaas oo uu masuuliyaddeeda inay ka dambeeyeen ku eedeeyey wariyeyaasha xidhan, haseyeeshee guddoomiyaha gobolku ma sheegin caddeyn ay u hayaan eedaynta uu labada suxufi dusha ka saaray marka laga reebo muuqaalka telefishanka laga baahiyey oo sida uu ku dooday u muuqday mid samays ah.
“Xisbiga Kulmiye la yidhaahdo, ayaa shalay (Dorraad) qabsaday xaflad, dabadeedna ninkii meesha maamulayey iyo labadan weriye ayaa is-afdhaafay, wariyeyaashina intay xafladdii dafireen bay war iska samaysteen aan jirin ayay warkii direen, laba qof oo calan gubaya oo wejiyadooda la qariyey ayuunbaa la arkayey, weriyeyaashu wixii ay baahiyeen may ahayn wax meesha ka dhacay,” sidaas ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Gabiley.
Guddoomiye Mustafe Shiine oo aanu weydiinnay cidda Bixisay Amarka lagu xidhay weriyeyaasha, waxa uu sheegay in gadood taageerayaasha xisbigu sameeyeen iyo dacwad uga timi hoggaanka gobolka ee Kulmiye awgeed loo xidhay, isla markaana maanta la horgeyn doono Maxkabadda gobolka Gabiley.
“Nimankaa wariyeyaasha ah waxa loo xidhay dacwad Xisbiga nooga timi iyo taageerayaasha xisbiga ee Cadhooday annaga oo ammaankooda eegayna, ayaanu u xidhnay. Guddoomiyuhuna (Guddoomiyaha Kulmiye ee Gabiley) warqad buu noo soo qoray uu kaga dacwoonayo anigiyo Taliyaha Qaybta, immikana way ku xidhan yihiin saldhigga oo ay caawa (xalay) ku dhamaysanayaan Aroortana (Saaka) arrintooda Maxkamaddaanu isu dhaafinaynaa oo aanu geynaynaa,” ayuu yidhi Mustafe-Shine.

Dhinaca kale, Xadhigga lagu kacay wariyeyaasha waxa cambaareeyey Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ee gobolka Gabiley iyo Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA oo tallaabada xadhiggooda ku sifeeyey inay ka tarjumayso tacaddiyada masuuliyiinta Xukuumaddu ku hayaan Saxaafadda Madaxabannaan ee dalka.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ka hadlay xadhigga weriyeyaasha, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku cambaareeyey sifaha loo maray xadhiggooda. “Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si adag u cambaareynayaa, xadhiga argagaxa ah ee lagu kacay Wariyayaasha oo ah mid kasoo horjeeda Shuruucda dalka u yaalla, sida Dastuurka iyo Xeerka ka fircamay ee Saxaafadda oo si cad u damaanad qaadaya xaqa iyo xuquuqda Muwaadiniitu u leeyihiin helitaanka Saxaafadda Madaxbanaanida, iyo sidoo kale, xoriyaadka aasaasiga ah ee Bulshadu leedahay inay fikirkooda soo bandhigi karaan,” sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafaddeed uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenka SOLJA Maxamed Cabdi Guuleed.
War-saxaafadeedka SOLJA ku cambaareysay xadhigga Wariyeyaasha, waxa kale oo lagu sheegay, “Madaxda iyo masuuliyiinta Heer-gobol ee dalka uga digaynaa, inay caadeystaan ku xad-gudbka xuquuqda Dastooriga ah ee Suxufiga, iyagoo bedelka arinkaasna ku raali-gelinaya Xukuumad, Xisbi ama shaqsiyaad kale.
Ururka SOLJA, waxa uu Xukuumada usoo jeedinayaa inay ka waan-towdo xadhigga iyo gabood-fallada sii socda ee lagu Bar-tilmaameedsanayo Suxufiyiinta, iyagoo wajibaadkooda shaqo gudanaya,” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafeedka SOLJA.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment