Saturday, November 1, 2014

Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye Ku Abtirsada Oo Maanta Ka Hadlay Dhacdadii Reer Gabiley Ku Gubeen Astaanka Kulmiye

Hargeysa:Nov,01,2014(Himilo)-Masuuliyiin intooda badani xilal kala duwan ka hayaan xukkuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ku abtirsada Xisbiga Kulmiye, ayaa Maanta ka Hadlay Tallaabadii Reer Gabiley dhawaan ku Gubeen Calanka Xisbiga Kulmiye.

caynXubnahan oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta wasaaradda Warshadaha, ayaa kala ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Warshadaha, Xannaanada Xoolaha, Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, Xidhiidhka Golayaasha, ku-xigeenka Caafimaadka, Agaasimaha Maamulka Lacagta ee Komishanka Aids-ka, Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxman Talyanle iyo Xildhibaan Balaaki, waxana ay ku dheeraadeen waxqabadkii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddadii uu xilka hayey.

Masuuliyiintan oo ku hadlayay Afka Xisbiga Kulmiye,kana mid ah Guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in guud ahaan Xukumaddu fulisay Ballan qaadkii bulsho ee Xisbiga Kulmiye lagu doortay.

Wasiirka Warshadaha Abiib Timacad oo shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa ugu horayn yidhi “Xaalada dalka somaliland meel wanaagsan ayay maraysaa Runtii Inta uu xilka hayay madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Xukuumadii ka horaysayna waad ogaydeen waxa ay dalka ka fulaysay waxaana ay isku yihiin Cir Iyo dhul,Markii Xisbiga Kulmiye u tartamayay Madaxtinimada dalka balan ayuu ka qaaday dhamaana wuu fuliyay,Waxaana ka mid ah Darajada ciidamada,Waxbarashada dugsiyada hoose,Wadooyinka iyo wax badan oon halkan lagu soo koobi Karin,indhaha caafimaadka qabaana way arkayaan kuwa kalena Runtii Ma arkayaan.”

Wasiir Abiib Timacad waxa uu ka hadlay Reer Gabiley oo dhawaan gubay Calanka Xisbiga Kulmiye si ay u muujiyaan siday uga soo horjeedaan,waxaanu sheegay inaanay arintaasi ka turjumayn Shacabka Gabiley “Calankan ay gubeen Reer Gabiiley ee ay kabahana ku masaxdeen lugo ayay ahayeen ,Afar inan ayaa laleexiyay oo arinkan Foosha xun loo dhiibay,Arinkaasina wax sax ah maaha waxa uu ahaa wax foojari ah oo la sameeyey.Dhalinyarada gobolku caaqilada iyo dadka waawayniba waxa ay tageersan yihiin waa kulmiye” ayuu yidhi Wasiirku

Wasiirka Caddaaladda,wasiirka Xanaanada Xoolaha, iyo Xildhibaano ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ayaa ku dooday in Madaxweyne Siilaanyo rabo inuu taariikh wanaagsan iska reebo islamarkaana uu wax badan ka qabtay arimaha Bulshada uu u balan qaaday. Waxay Been ku tilmaameen dhaliilaha Mucaaradku u jeediyo xukumadda.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment