Sunday, November 2, 2014

Meydkii Taliyihii Booliska Somalia Oo Muqdisho Dib Loogu Soo Celiyey Iyo Jidhkiisa Oo Wax Sun ah Laga Waayey

Muqdisho:Nov,02,2014(Himilo)-Waxa maanta Magaalada Muqdisho laga soo dejiyey Meydka Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo khamiistii si kedi ah halkaas ugu Geeriyooday.

iriMeydka Taliyaha oo baadhitaan ahaan loogu qaaday magaalada Nairobi, si loo ogaado waxa uu sababsaday, kadib tuhun laga qabay in la sameeyay ayaa la xaqiijiyay in sababaha keenay geeridiisa ay aheyd xanuun dhinaca sambabada ah.

Inkastoo aanu wali wax war ah ka soo bixin Gudigii uu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay baadhitaanka geerida Taliyaha ayaa waxaa lagu baadhay isbitaalka Nairobi Hospital,iydoo la xaqiijiyay in aan laga helin wax calaamado ah oo muujinayo in la dilay.

Dhakhaatiirka baadhitaanka ku sameeyay meydka taliyihii booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in uu u dhintay xanuunka dhanka sambabada ah oo aanay jirin wax calamaado ah oo muujinaya in la sumeeyay, waxaana tani ay meesha ka saareysaa shakigii ahaa in la dilay.

 

Himilo Meida

No comments:

Post a Comment