Meydka Taliyaha oo baadhitaan ahaan loogu qaaday magaalada Nairobi, si loo ogaado waxa uu sababsaday, kadib tuhun laga qabay in la sameeyay ayaa la xaqiijiyay in sababaha keenay geeridiisa ay aheyd xanuun dhinaca sambabada ah.Inkastoo aanu wali wax war ah ka soo bixin Gudigii uu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay baadhitaanka geerida Taliyaha ayaa waxaa lagu baadhay isbitaalka Nairobi Hospital,iydoo la xaqiijiyay in aan laga helin wax calaamado ah oo muujinayo in la dilay.
Dhakhaatiirka baadhitaanka ku sameeyay meydka taliyihii booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in uu u dhintay xanuunka dhanka sambabada ah oo aanay jirin wax calamaado ah oo muujinaya in la sumeeyay, waxaana tani ay meesha ka saareysaa shakigii ahaa in la dilay.
Himilo Meida
No comments:
Post a Comment