
Hay’adda xuduudaha Midowga Yurub Maamusha ee EU Frontex, ayaa waxaa ay sheegeen in ay heystaan iminka lix Maraakiib Afar Diyaaradood oo mid kamid ah ay tahay diyaaradaha qumatiga uduula ee Helicopter-ska iyo 65 ruux oo ah shaqaalaha ciidanka ilaalada Midowga Yurub kuwaasoo ka kala socda ilaa 21 wadan oo xubno ka ah midowga Yurub.
Dowlada Talyaaniga ayaa bishii aynu soo dhaafnay wadamda midowga yurub ka dalbatay in laga gacan siiyo ka hortagida mihaajiriinta ka kala imanaya wadamada geeska Africa sida Soomaaliya Etheria iyo kuwo kale.
Tayaaniga ayaa wuxuu sheegay in 3,000 oo muhaajiriin Soomaali u badan ay sanadkan isku dayeen inay galaan dalka Talyaaniga,iyadoo dhanka kale 150,000 oo kalena ay badbaadiyeen ciidanka midowga Yurub ee la yidhaahdo Nostrum Operation.
Dhanka kale Mr Alfano oo ka tirsan saraakiisha ciidanka badda Midowga Yurub ayaa sheegay in loo baahan yahay bil kasta 2.9m euros una dhiganta (£2.3m; $3.7m), halka iminka dowlada Talyaaniga ay ku bixiso howlgalka Nostrum Operation 9.5m bil kasta si loo baajiyo Muhaajiriinta galaya wadamada Yurub.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment