Waa kalmado ay si joogto ah, u isticmaalaan da’yartu oo dhexdooda ay isku fahmaan, balse aanay dadka waayeelka ahi fahmin. Marka laga reebo dadka waayeelka ah ee dhalinyarta xidhiidhka la leh.
Erayada cusub macnahooda
• Qardhaas u xidh……………………………………………………………………Been u sheeg
• Gam iyo gam………………………………………………………………………..arrintii sow caadi maaha
• Haygu seetayn……………………………………………………………………ila saayir
• Warkaagu shaaha ka madow……………………………………………..arrinkaagu caadi maaha
• Garashada ha ku saxan…………………………………………………………. I fahan
• Khayray buu helay………………………………………………………………. Dumarkuu la qayilaa
• Nabad iyo jacayl ma haysaa…………………………………………………xashiishad ma haysaa
• Muftaaxa qaado…………………………………………………………………..waxba ha u sheegin
• Waa san-gorofle…………………………………………………………………. Waa badow
• Nakh-nakhuu gaadhay……………………………………………………….wuu mirqaamay
• U goo……………………………………………………………………………………halkaa kaga hadh
• Hoog buu ku jiraa………………………………………………………………….waa bilaa camal
• Bayl buu daacayaa………………………………………………………………..waa bilaa lacag
• Qoosh buu garaacayaa………………………………………………………..arrin ma hayo
• Riyahaa toosiya…………………………………………………………………..gurigiibaa laga eryay
• Tii xaqa ahayd buu maray…………………………………………………..wuu tahriibay
• Casaan baa saaraan…………………………………………………………..dayn baa lagu leeyahay
• Afka dheeraaday……………………………………………………………….wuu gaajoonayaa
• Waa sidii kale……………………………………………………………………waxba ma hayo
• Gor-gor baa saaran……………………………………………………………waa xayraan
• Indhahaa cas……………………………………………………………………wuu xaraaroonayaa
• Maad I qaadi……………………………………………………………………wax maad ii dhiibi
• Roobaa ku da’ayaa………………………………………………………….wuu fikirayaa
• Haygaga shuban…………………………………………………………….khiyaaliga iga daa
• Waa laga habaystay………………………………………………………waa la xaday
• Waad dhiiqaysaa…………………………………………………………..waad maraysaa
• Liidkuu raacayaa……………………………………………………………naag buu sugayaa
• Khuruush buu u baxay………………………………………………….balan buu leeyahay
• Injection-kaad badsatay……………………………………………..galmada ayaad badisay
• DNA-da ka qaad…………………………………………………………..waa qabiilkee
• Toosh buu daba qaatay………………………………………………wuu ka daba-qayliyey
• Laba ilig ayaan ku tuuranayaa ………………………………hablo qurux badan ayaan arkayaa
• Korka ka wad………………………………………………………………sirta ha sheegin
• Buul buu dhisay………………………………………………………….naag buu uureeyey
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
B.A in Journalism
Hargaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
Baadhis iyo Xog-Ururin
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment