Tuesday, December 2, 2014

Muddaharaad ka dhan ah Xadhig Xukuumaddu kula kacday Maayerkii hore ee Boorama oo Gilgilay magaaladaas iyo Tuhunka Eedaha xadhiggiisa

Tirada Dhalinyaro Muddaharaaday iyo Weriyeyaal Ciidamada Ammaanka Boorama Xabsiga u taxaabeen

“Askar aannaan garanayn ayaa daaqadaha iyo dusha guriga nooga soo daatay, waxay yidhaahdeen Wasiirka Beerahaa na soo diray, waanu raacay...” Xaaska Maayerkii hore ee Boorama oo ka warrantay sidii Odaygeeda loo xidhay, Carruur uu dhalay oo lala xidhay iyo qaar la dhaawacay
Boorama, 02 Dec, 2014 (Himilo)- Boqolaal ka tirsan Dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa Isniintii shalay Muddaharaad rabshada wata isugu soo baxay, ka dib markii Ciidanka Ammaanka Somaliland Xabsiga u taxaabeen habeen hore Maayerkii hore ee magaaladaas Cabdiraxmaan Shide Bile.
Dadka Muddaharaadka dhigay oo u badnaa Dhalinyaro iyo Haween, ayaa ka soo horjeeday Xadhigga Maayerkii hore ee magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile oo wakhti illaa siddeed sannadood ah Maayer ka ahaa magaaladaas intii ka horraysay Golaha Deegaanka ee la doortay sannadkii 2012.
bora download DSC04236-300x225 fooqa dahabshiil Bank IYMY7R1R76205042-somaliland-disisleri-bakani-turkiye-de-ameliyat-oldu JAMAAL medium_somaliland3 (1) timthumb 4 12 13 BADAHSAAB ggggggggggAids wersheda-sibidhkaWaxay Muddaharaadayaashu xidheen jidadka magaalada qaarkood oo ay Taayirro ku gubeen, dhagaxan iyo qoryana dhigeen, iyagoo Ciidammada Booliska Boorama u adeegsadeen kala kaxayntooda rasaas Nool.
Dhawr iyo Toban ka tirsan Dadka Muddaharaadayey oo Dhalinyaro u badnaa, ayay Ciidammada Boolisku Xabsiga u taxaabeen oo ay ku qabqabteen Muddaharaadkaas. Sidoo kale, waxay Boolisku xidheen Saddex Weriye oo ka tirsanaa Weriyeyaasha ka hawlgala Boorama oo Muddaharaadka wax ka duubayey. Weriyeyaasha la xidh-xidhay, ayaa ka kala hawlgalayey Telefeshinnada Universal iyo Bulsho.
Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Aw-Nuur Sugaal iyo Maayerka magaaladaas Saleebaan Xaddi oo Weriyeyaal Wargeyska Himilo ka tirsani la xidhiidheen inay wax ka weydiiyaan muddaharaadkaas, tirada dadka loo xidh-xidhay iyo sababta Maayerkii hore ee Boorama loo taxaabay, ayaanay u suuragelin inay wax jawaab ah ka helaan, ka dib markii ay qaban-waayeen taleefannadooda gacanta oo shalay galab illaa xalay aannu ka wacaynay.
Balse, Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Nuur Sugaal, waxa uu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay in sababta loo xidhay Maayerkii hore ee magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile tay kiis la xidhiidha arrimo iyo eedo ka dhan ah Ammaanka magaalada iyo gobolka Awdal, waxaanu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo eedaymahaa nabadgelyada ka hor-imanaya. Hase-yeeshee, ma jiro war intaas ka faahfaahsan oo ka soo baxay Xukuumadda oo la xidhiidha xadhigga Duqii hore ee magaalada Boorama.
Hase-yeeshee, Xaaska Maayerkii hore ee Boorama ee la xidhay Kaltuun Waaberi Rooble, ayaa warbaahinta u sheegtay inaanay eedaymahaas Maayerkii hore loo jeediyey waxba ka jirin, waxaanay ka warrantay sidii wax u dhaceen ee Habeen-hore Odaygeeda loogala baxay guriga xilli ay sheegtay inay hurdo u diyaar-garoobayeen, Carruurtuna ay huruddayba, iyada oo sheegtay inay Askartu dhaawaceen Gabadh yar oo ay dhaleen, isla markaana kaxaysteen oo ay xidheen laba Wiil oo Carruurtooda ka tirsanaa.
“Xalay (habeen-hore) tobankii iyo badhkii habeennimo annagoo nabad ku soo hayannay waxa dhacday inay daaqadaha iyo dusha guriga ka soo daateen Askar aannaan garanayn meel ay ka yimaaddeen, markay gurigii noogu soo galeen annagoo yaabban, wuxu Cabdiraxmaan ku yidhi ma anigaa ii baahan tihiin; ‘haa,’ ‘waan idin raacayaa,’ ayuu yidhi markay u sheegeen inuu soo diray Wasiirka Beeraha Somaliland,” Sidaa ayey tidhi Kaltuun Waaberi Rooble.
Xaaska Maayerkii hore ee Boorama Kaltuun Waaberi waxay intaas ku dartay oo ay tidhi, “Waxa dhaawac ah oo dhakhtarka ku jirta Inan-yar oo Askari ku joogsaday oo lug wax ka noqotay. Laba wiil way kaxaysteen oo 14 iyo 13-jir da’doodu tahay oo sasay oo qayliyey markii ay Askartu guriga soo dhex-galay, markaa way xidheen Carruurtaasna. Waxa dadka muddaharaadayey damiirkoodu siin waayey ninkii Maayerka u ahaa siddeedda sano ee aayar isagoon dhib geysan gurigiisa lagala baxay.”
Mar Kaltuun la weydiiyey waxa ka jira in Odaygeedu faraha kula jiray arrinta lagu eedeeyey ee ah inuu falal nabadgelyada ka dhan ah abaabulayey oo sidaas loo xidhay; “Waxba kama jiraan, Subixii Suuquu nooga baxayey Habeenkiina wuu soo hoyanayey, markaa ma jiro wax uu faraha kula jiray oo meelna umuu bixin,” ayay tidhi Kaltuun.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment