Wednesday, December 17, 2014

Agaasimaha guud ee Ciyaaraha oo ka hadlay in Garoonka Dhallinta la iibiyey iyo Doogaynta Hargeysa Stadium

Hargeysa, 17 Dec, 2014-(Himilo):- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye, ayaa sheegay inaanay sal iyo raad toona lahayn oo aan waxba ka jirin in la iibiyey Garoonka labaad ee Kubbadda Cagta xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa oo ay Carruurta xaruntaas ku jira iyo kuwa Xaafadda oo dhami ku ciyaaraan oo ku yaalla Degmada Kood-buur ee Caasimadda dalka.
Qaar ka tirsan dhallinyarada Agoomaha ah ee Xaruntaas ku jirta ee garoonkaas ku ciyaara, ayaa toddobaadkii hore cabasho ka muujiyey Garoonkaas oo ay sheegeen in la iibiyey, isla markaana Ciid iyo Dhagax cusub lagu rogay, sidoo kalena la gooyey Birihii ama Shabaqyadii labada Gool midkood.
AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA CIYAARAHA MAXAMED XUSEEN DHABBEEYEAgaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Dhabbeeye waxa uu ku dooday inaanu jirin Garoon la iibiyey ama laga iibinayo Carruurta Xarunta Agoomaha iyo guud ahaan Xaafadda ay xaruntu ku taallo toona, in casriyeyn iyo dhismo loogu sameeyo mooyaane.
“Arintaasi waa mid aannu maalmahanba ka arkaynay Warbaahinta, Garoonkaasi waxa weeye Garoonka Carruurta Agoonta ahi ku ciyaarto, Carruurta Xaafadda oo dhanna runtii way la wadaagtaa, waana dhawr garoon oo isugu jira Kubbadda Kolayga, Kubbadda Cagta iyo Garoonka weyn ee hadda la hagaajinayo, waxaanay arrintaasi (iibinta Garoonku) ila tahay inaanay waxba ka jirin. In loo hagaajiyo oo loo qurxiyo oo loo dhiso mooyee wax laga xumaynayaa runtii ma jiraan.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye.
Maalmihii u dambeeyay ayaa Carruurta Xarunta Agoomuhu ay ka gadoodeen wararka sheegaya in laga iibiyay Garoonkaas oo lagu wareejiyey Turkiga. Garoonka oo dhisme ka socdo ayay Warbaahinta u sheegeen in Turki lagu wareejiyay dhalinyarada xaruntaas ku dhaqan ee ku ciyaara oo cabashadooda Saxaafadda mariyey, kuwaasoo siddeed ka tirsan la sheegay in Xabsiga loo taxaabay, inkasta oo ay Masuuliyiinta Xarunta Agoomaha oo Warbaahinta qaarkeed la xidhiidheen ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan arrintaas.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Dhammeeye, ayaa tilmaamay in wakhti dhaw Garoonka Kubbadda Cagta ee Hargeysa Stadium la dhigayo Doog, isla markaana Shirkadda Qandaraaska qaadatay keentay dalka Doogii lagu gogli lahaa, isla markaana Garoonka ka waddo qiimayn, dhawaanna loo qabanayo Munaasibadda Doogaynta Garoonkaas Hargeysa Staduim.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment