Hargeysa, 10 Dec, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dhalinyarada dalka ugu baaqay inaanay ku dhex-milmin isla markaana aanay dheg jalag u siin dad uu ku tilmaamay in waddaniyaddoodu liidato oo shaqadooduna tahay iska hor-keenista iyo isku-dirka umadda, taas beddelkeedana ay hormood ka noqdaan taageerada horumarka dalka iyo mustaqbalkooda.
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadal ka jeediyey munaasibad loo qabtay daah-furka Dhisme noqonaya Xarunta Dhexe ee Daladda ay ku midaysan dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo shalay uu xadhigga ka jaray, waxa uu sheegay in xukuummaddiisu ogsoon tahay ahmiyadda horumarinta dhalinyarada Somaliland leedahay.“Dhalinyaradu waa mustaqbalkii dalka, waa mustaqbalkii umadda, waa waxa umadda mustaqbalkooda hiigsanaysaa mar walba waxa ay dhalinyaradeedu noqoto, ayay umadduna noqonaysaa. Sidaa daraadeed, ahmiyadda ay leedahay waa mid aan marnaba laysweydiinayn, waa mid aan annaguna ogsoonnahay oo aanu qiimaynayno oo ay tahay waxa aan u hawl-galayno oo mar walba diyaar u nahay inaanu mudnaanta siinno iyaga iyo horumarkooda iyo wax-qabadkooda,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu dar-daaran u jeediyey dhalinyarada, waxaaanu yidhi, “Dadka Qaylada iyo Buuqa wada yaydaan dhegaysan, dadka waddaninimada xun yeynaan dhegaysan, dadka umadda iska horkeenaya yaydaan dhegaysan, idinkaa dhalinyaradii ah, idinkaa mustaqbalkii dalka ah, waa inaad mar walba horkacdaan oo hormood ka noqotaan wixii wax taraya iyo wixii horumarinaya mustaqbalkiina iyo aayihiina iyo ka dalka intaba.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment