Tuesday, December 9, 2014

Furitaanka Dhismaha Dallada Dhallinyaradu Waa Hiil Muddo baddan la Hiigsanayey.

“Maanta Wixii ka Dambeeya Dhallinyarada Somaliland Marti u Noqon Maayaan Dhisme Kiro Ah”
Hargeysa (Himilo)Wasiirka madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay internet-ka ee loo yaqaan Guusha.com waxa uu faahfaahin ka bixiyey jawiga xaflada furitaanka dhismaha dalada dhalinyarada heer qaran ee Sonyo iyo ahmiyada dhismahaasi u leedahay waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
Jawiga saaka ayaa ku bilaambay maalin ku astaysan dhallinyarada dalka Somaliland, Waxay ahayd maalin aad arkaysay dhalinyarada oo isugu hambalyeynayaa in taariikhda markii ugu horaysay ee ay yeesheen dhisme magacoodu ku xardhan yahay oo maanta wixii ka dambeeya aanay mardambe marti u noqon doonin dhisme kiro ah.

Jidadka waawayn ee magaalada ayaad ku arkaysay dhallinyaro ka kala timid dhamaan gobolada dalka si ay farxadaas ugu indho qabowsadaan isla markaana u dareemaan in ay dalkan leeyihiin.

Waa dhab oo waa farxad ay mudan yihiin in ay maanta oo kale dareemaan, waan la faraxsanahay waanan ku faraxsanahay.

Dhismaha Dallada Dhallinyarada ee SONYO ayaa ku dhex yaala Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska oo dabcan xidhiidh iyo shaqo ahaanba wadaagaan.

Waxa Munaasabada sii qurxiyey Markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu dhalinyarada la farxad iyo dareen qaybsaday isla markaana isagoo lugaynaya uu Qasriga Madaxtooyada ka soo baxay ilaa uu ka soo gaadhayey goobta dhismahan laga hirgaliyey

Arintan ayaa muujinaysa Amaanka dalkeena ka jira iyo sida ay xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Mud. Axmed Maxamed Maxamuud uga go’an tahay dhiirigelinta da’ yarta dalkan.

Munaasabada furitaanka dhismaha ayaa u dhacday si milgo iyo maamuus badan isla markaana farxad iyo hambalyo ku dheehan tahay.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in maanta oo kale adduunka laga xusay maalinta la dagaalanka Musuqmaasuqa isla markaana munaasabad ay soo abaabuleen ururka SOYCA ay kaga hadleen qiimaha ay leedahay la dagaalanka Musuqmaasuqu iyagoo cod dheer ku sheegay in horumarka dal gaadho ay sal u tahay xakamaynta Musuqmaasuqu Waan uga mahadcelinayaa hogaanka ururka oo shahaado ku maamuusay xubno aan kamid ahay oo ka tirsan xukuumada talada haysa iyagoo ku sifeeyey in ay xoogga saareen la dagaalanka Musuqmaasuqa ragaadiyey horumarka Qaarada Afrika.

Ugu dambayn, Maaha oo kaliya in xukuumadu dhul iyo dhaqaale ku caawisay dhallinyarada dalka balse sidoo kale waxay awood iyo fursad u siisay in ay kamid noqdaan hogaaminta dalka taasi oo kor u qaaday dareenka waddaniyadeed ee da’ yarta Somaliland isla markaana han iyo himilo sare u abuurtay.

Hambalyo Dhallinyarada Somaliland meel walba oo aad aduunka ka joogtaan
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment