Warbixintan oo uu na soo gaadhsiiyey Saleebaan Ismaaciil Bulaale ayaa waxay u dhignayd sidan:-
Somaliland Human Rights Defenders Alliance
MAWDUUCA: MILICSIGA WAAYAHA DUMUQURAADIYADA & XUQUUQDA AADAMAHA SOMALILAND SANADAKA 2014
Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad-doonka iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay guud ahaan shacbiga Somaliland iyo beesha caalamka ee ay isku aragtida yihiinba waxanu la qaybsanaynaa dareenkayaga aanu xusayno Maalinta Xuquuqda Aadamaha Adduunka 10 Dec. 2014.
Maanta waxaanu xusaynaa 28 qodob oo ka mid ah Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga adduunku (Universal Diclaration of Human Rights 'UDHR') kuwaasi oo aan ka hor imanayn Diinteena Islaamka. 2 Qodob ee kale waxay sheegayaan in qofku marka uu doono uu diintiisa ka bixi karo marka uu doonana ku soo noqon karo iyo aadamigu marka ay gaadhaan da'da guurka (18 sano jir) way is guursan karaan iyadooaan loo eegin luuqad, midab iyo diin, 2dan qodob waxa naga reebtay xuskooda diinteena Islaamka.Sanadkan 2014 ee sii dhamaanaya Jamhuuriyada Somaliland waxa ay wali ku sii naaloonaysaa in ay noqoto guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika dalka ugu wanaagsan helitaanka xoriyadaha rayidka, siyaasada warbaahinta iyo xaqa ra'yi dhiibashada sida ay ka marag fureen Warbixinaha Sanadlaha ah ee saddexdii sanno ee ugu dambeeyay ay soo saartay Hay'ada Caalamiga ah ee Freedom House dhibcaha ay Somaliland ku hogaaminayso dalalka IGAD ayaa ah dhinaca xoriyada madaxbanaanida oo Somaliland lagu qiimeeyay 4.5 dhibcood, xoriyada rayidka lagu qiimeeyay 5 dhibcood, xoriyada siyaasadana Somaliland lagu qiimeeyay 4 dhibcood, taasi waxay daboolka ka faydaysaa in Somaliland ugu horayso heerka ku dhaqanka xuquuqaha, xoriyaadka aasaasiga ah wadamada Mandaqada Bariga iyo Geeska Afrika.
Sidoo kale Xoriyada Madaxbanaanida Saxaafada Madaxabanaan ee Gaarka Loo leeyahay ayaa Somaliland 20 sanadood ee ugu dambeeyay ahayd dalka ugu fiican Geeska Afrika oo waddamada ku yaal aanay ka jirin saxaafad madaxbanaani tusaale Itoobiya, Sudan, Eritiria Djibouti. Tan macnaheedu maaha in aanay Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland ku dhicin wax xadgudubyo ah, Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay diiwaangaliyeen sanadkan 2014, suxufiyiin xukuumadu xidhxidhay, qaar Maxkamadaha dalku ku xukumeen ciqaab ah xadhig iyo ganaac lacageed, sidoo kale sanadkan Maxkamadaha dalku waxay xayireen labo ka mid ah Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay oo kala ah Hubaal Media Network, iyo Haatuf Media Network, kadib markii xukuumadu ku eedaysay in ay ku xadgudbeen arrimihii ka reebanaa saxaafada oo ay ka mid yihiin xogaha la xidhiidha ciidanka iyo eedo kale oo ah faafin warar been abuur ah iyo sumcad dilid.
Iyadoo Warbaahinta Madaxabanaan ee dalku kaalin wax ku ool ah ka soo qaadatay dhismihii dalka iyo hirgalintii nidaamka dimuqraadiga ah hadana Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u yihiin laf-dhabarka in Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland iyo tan xukuumadu labaduba in 23 sanadood ee ugu dambeeyay ay warbaahinta Somaliland ay ku shaqaynaysay nidaam bilaa sharci ah. Taasi oo sababtay in Saxaafada Dalka Somaliland noqoto mid aan lahayn birmagaydo oo aan ilaalin karin anshaxa saxaafada xorta ah iyo in aanay lahayn aqoontii lagama maarmaanka u ahayd saxaafad dal Dimuquraadi ahi leeyahay.
Waxa kale oo ay sababtay in warbaahinta dalkeenu noqoto tan ugu liidata marka la barbardhigo saxaafada ka jirta adduunka, waxaana si joogto ah warbaahinta dalku dhibaato, xadugubyo iyo meel ka dhacyo u gaystaan xoriyadaha aasaasiga ah iyo xuquuqda bulsho iyo qofeed ee muwaadiniinta iyo hantidooda, sidoo kale waxa bushada werwer ka qabaan waxyeelada warbaahinta Telefishanada Gaarka ahi ku hayaan akhlaaqda iyo qiyamka toosan ee Islaamka.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay si xoogan u aaminsan yihiin in hadaan sida ugu dhakhsaha baddan Somaliland ugu samayn warbaahinta dalka Siyaasad Qaran iyo shuruucdii, anshaxii iyo xeer tilmaamayaashii lagama maarmaanka u ahayd in ay yeelato Saxaafad dal xor ah, taasi haddii la waayo waxa Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland aad uga werwersan yihiin in Saxaafada maanta Somaliland ka jirtaa in ay mijo xaabin karto nidaamka dimuquraadiga ee curdinka ah iyo nabadgalyada, Sidoo kale waxyeelada ay warbaahinteenu ku hayso akhlaaqada Diinta iyo Dhaqanka Suuban mar hore ayay bilaabantay. Golaha Wakiilada Somaliland waa in uu sida ugu dhaqsaha badan u sameeyaa shuruucda iyo xeerarka ay yeelanayso saxaafad dal dimuquraadi ah ka shaqaysaa taasi oo suxufiga dalka ku hagta mihnada aasaasiga ah ee saxaafada isla markaasina bulshada ka ilaalisa tacadiyada saxaafada gaysato isla markaana ilaalisa xuquuqda saxaafada xorta ah ee dalkeena.
Sanadkan 2014 waxa uu markii ugu horaysay dibada u soo baxay falal maamul xumo, wax is dabomarin iyo musuq uu ku kacay qaar ka mid ah shaqaalaha iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, falalkaasi oo ay ka dhalan karaan dambiyo khiyaamo qaran. Nasiibdaro halkii falalkaasi lagu xalin lahaa qaanuunka iyo shuruucda dalka Golaha Guurtida ayaa meel mariyay qaraar dambi ka dhawrsanaan siinaya masuuliyiintii gaysatay falalka maamul xumada, wax is dabomarinta iyo musuq ah.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay aaminsantay in ay tahay Golaha Wakiilada Somaliland barta ay Dimuquraadiyada Somaliland ka dhutinayso ee had iyo goor sababaysay in doorashooyinka Wakiiladu dib u dhacaan isla markaana muran joogto ah uu ka dhex qarxo hay'adaha dastuuriga dalka, tusaale Gud. Golaha Wakiilada Somaliland uu xidho dhawr shaadh oo dastuuri ah Mar waa Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Sharcidajinta isla markaana waa Guddoomiye mid ka mid ah xisbiyada siyaasada Somaliland, wuxuu laba xil oo is hubin lahaa ayuu hal ruux ku wada fadhiyaa, iyadoo ruuxaasina uu 10kii sanadood ee ugu dambeeyay uu hortaagnaa in Golaha Wakiilada aanu hor imanin xeer nidaamiye ama xeer hoosaad awoodihiisaasi is khilaafaya lagu xalin karo.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan qaraaro uu ku xaliyay Golaha Guurtida Somaliland khilaafyo Golaha wakiilada ka dhex curtay oo salka ku haya Khiyaamooyinka Qaran ee uu ku kacay Guddoomiyaha Wakiilada Somaliland in ay yihiin qaar dambi ka dhawrsanaan siinaysa masuuliyiinta ku kaca Khiyaamo Qaran oo ay ka mid tahay mijo xaabinta dimuquraadiyada iyo doorashooyinka dalka is hortaagyo faro badan oo uu isku hortaagay in dalka Somaliland yeesho xeerarkii iyo shuruucdii kobcin lahayd dimuquraadiyada, kala qobqobnaanta awoodaha iyo xilalaka sarsare ee Qaranka oo ilaaliya xuquuqda aadamiga iyo xoriyaadka dastuuriga ah ee muwaadiniinta dalka. Qaraarada Guurtidu waxay mijo xaabiyeen isla xisaabtankii iyo ku dhaqanka shuruucdii dalka.
Werwerka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada rayidka ah ee Dimuquraadiyada Somaliland waxay si wadajir ah Xuska Munaasibada Maalinta Xuquuqda Aadamiga Adduunka awgeed ula socodsiinayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi 'Ciro' oo caadaystay falal dhabarjab ku noqday geedi socodka dimuquraadiyada dalka isla markaana uu isagu masuul ka yahay dib u dhaca doorashada Golaha Wakiilada oo haatan muddo dhaaf ah 5 sanadood.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ugu baaqayaan beesha caalamka iyo daneeyayaasha dimuquraadiyada Somaliiland, Qaramada Midoobay iyo Hay'adaha caalamiga ah la dagaalama musuqmaasuqa, maamul xumada iyo ku tagri falka masuuliyadaha qaran, in ay qaadaan talaabooyin ay dalka Somaliland kaga badbaadinayaan caqabadaha adag ee golaha wakiilada Somaliland ku keenay habsami u socodkii dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland.
Inkastoo Xaalada Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee sanadkan dhamaanaya 2014, uu hoos u dhac ku yimi falalka xadgudubyada xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee dalkeena ka dhacaa marka loo eego xadgudubyada la diiwaangaliyay sanadihii 2011 - 2013. Hadana waxa aan la difiri karin go'doonka dalka Somaliland kaga jiro caalamka iyo aqoonsi la'aantu in ay ka dhigtay dalka Somaliland mid ku xidhan Xabsi Wayn oo Beesha Caalamku ku hayso 23 kii sanadood ee ugu dambeeyay, go'doonka dumblamaasiyadeed ee somaliland ay la nooshahay waxay wiiqday oo saamayn xun ku keentay horumarka xuquuqda aadamiga iyo xoriyadaha dimuquraadiyadu siiso dadka ku dhaqma.
Sidoo kale waxay Xabsiga 23 sano Somaliland beesha caalamku ku haysaa wuxuu ka dhigay nidaamka dumuquraadiyadeed iyo xoriyaadka shacabka Somaliland haystaan kuna dhaqmaan mid u nugul in ay burburiyaan kooxaha islaamiga ah ee xagjirka ah oo iyagu weeraro joogto ah oo dhinaca fikirka ah ku haya haweenka iyo da'yarta dalka.
Bulshada Somaliland ee la takooro ayaa waxay madiidin u yihiin Takoor soo jireen ah oo dhinaca dhaqanka ku salaysan, waxa kale oo ay dibada ka yihiin nidaamka cadaalada iyo Garsoorka Somaliland, oo aanay sida qaalibka ah helin, Beelaha Somaliland ee laga tirada badan yahay kuma laha xubno iyaga ka soo jeeda ciidamada kala duwan ee amaanka, iyo hawlwadeenada garsoorka iyo Xafiisayada Xeer Ilaalinta degmooyinka dalka,
Inkasta oo Madaxwayne Siilaanyo dadaal wayn u galay sidii Beelaha la haybsooco iyo haweenku ugu yeelan lahaayeen Golaha Wakiilada Somaliland, Nasiibdaro waxa gaashaanka ku dhuftay dadaalka Madaxwaynaha hogaanka iyo xubnaha Golaha Wakiilada, oo had iyo goor caqabad ku ah geedi socodka dimuquraadiyada dalka.
Sanadka 2014, waxa kor u sii kacay Maalgashatada Caalamiga ah ee raba in ay maalgashi ku sameeyaan dalka, gaar ahaan shirkadaha baadhista shidaalka iyo kuwa macdanta oo badankoodu ka kala socdaan wadamada reer Galbeedka iyo dalka Shiinaha. Sidoo kale waxa xukuumada Somaliland wadahadalo gabogabo ah kula jirtay sanadkan 2014 shirkad laga leeyahay dalka Faransiiska oo rabtay in ay maalgashi baaxad leh in ay ku samayso Dekeda Caalamiga ah ee magaalada Berbera iyo dhismaha tareen ku shaqeeya quwada korontada oo isku xidha caasimada Itoobiya iyo magaalo Xeebeeda Berbera.
Sidii loo xaqiijin lahaa habsami u socodka hawlgalada sahaminta iyo baadhitaanka shidaalka Madaxwaynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo saaray qaraar uu ku aasaasayo Ciidamda Ilaalada Shidaalka Oil Protection Unit, kuwaasi oo laga soo xuli doono ciidamadii dalka ee hore u jiray isla markaasina hoos tagi doona Wasaarada Arrimaha Gudaha. Ciidamadan ayaa waxa maalgalinaysa shirkada wayn ee Genel oo sheegtay in ay tabobarka qalabaynta iyo hawlgalinta ciidanka ilaalada shidaalka ay ku bixin doonto adduun gaadhaya 25 milyan oo dollar.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay hoosta ka xariiqayaan in xukuumada Somaliland qaado talaabooyin ay talada badhkooda ka siinayso bulshooyinka ku nool deegaanada laga fulinayo sahaminta Shidaalka iyo macdanta. Si taasi loo suurtogaliyo waa in:
- Xukuumada Somaliland barnaamuj wacyigalin ah oo si taxadar badan ay u wada diyaariyeen una fuliyaan Wasaarada Macdanta iyo Tamarta, la taliyayaal caalami ah oo takhasus u leh mawduuca, Shirkada Shidaalka/Macdanta, bulshada iyo indheergaradka deegaanka baadhista laga fulinayo
- Waa in xukuumada Somaliland ka hortagtaa in cid kale qabsato maskaxaha shacabka Somaliland.
Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad doonka Somaliland waxay soo dhawaynayaan abuuritaanka Hurinta Ciidanka Booliska ee Degdega u Jawaabta (Rapid Reaction Unit 'RRU'), inkasta oo ay xisbiyada siyaasada ee mucaaridka ahi ay dhaliilo culus u jeediyaan ciidamadan sida gaarka ah u tabobaran, kuna dhaliilaan in ay gaystaan xadgudubyo xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee aadamaha.
Taasi bedelkeeda Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo ururada bulshada rayidka ah waxay qirayaan in abuuritaanka ciidanka RRU uu kordhay amaankoodii isla markaana tan iyo markii ay hawlgaleen ciidankan RRU ay istaageen hanjabaado mobilada loo soo marin jiray oo loogu hanjabayo in ay ka waantoobaan hawlaha xuquuqda, haweenka, carruurta iyo shaqooyinka ay ka hayaan hawlwadeenada ururada bulshada rayidka ah.
Sidoo kale Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u noqdeen tan iyo markii ay ciidanka RRU bilaabeen hawgalada ay ku sugayaan amaanka waxa hoos u dhacay shirqooladii kooxaha argagaxisada ahi ka fulin jireen dalka Somaliland inkastoo taasi bedelkeeda Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ay diiwaangaliyeen in ay kor u kaceen dadka loo xidho tuhunada argagaxisadu tan iyo markii ciidanka RRU ka hawlgaleen dalka.
Waxana aan la dabooli karin doorka muhiimka ah ee ay RRU ka qaateen sugida amniga qaranka iyo ka hortaga dambiyada abaabulan iyo argagixiso.
Sidaasi darteed, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay soo dhawaynayaan taageerada wax ku oolka ah ee Dawlada Ingiriisku ku bixiso tabobarada, qalabaynta iyo hawlgalinta ciidanka RRU ee Somaliland iyadoo markii hore khibrada, aqoonta iyo qalabka hay'adaha amaanka Somaliland uu aad u hooseeyay.
Sanadka 2014 waxa si xoogan dalka uga socday dhismaha Mashaariic Kaabayaasha Dhaqaalaha dalka oo muhiim ah, Sida lala wada socdo dalka Somaliland tan iyo markii uu madaxbanaanidiisa ka qaatay Boqortooyadii Ingiriiska Muwaadiniintiisu may helin fursado ay dalkooda kaabayaashiisa dhaqaale ku dhistaan, waxaana Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland u arkaan in uu Madaxwayne Siilaanyo nasiib u yeeshay in uu noqdo Hogaamiyihii dalkiisa ka hirgaliya mashaariicdii ugu waxtarka iyo aayaha badnaa intii Somaliland jirtay kuwaasi waxa ka mid ah bilowga dhismaha wadada MIDNIMADA Somaliland ee ERIGABO ILAA BURCO. Iyo waddooyin faro baddan oo halbowle u ah isku socodka ganacsiga iyo bulshada oo ay ka mid yihiin jidka Hargeysa ilaa Berbera, Ka Kalabaydh ilaa Boorama iyo Kalabaydh ilaa Wajaale, 2da Jid ee Hargeysa ku xidhaya Baligubadle iyo Salaxley iyo Wadada Halbolaha ah ee Dawga-cad oo deegaano go'doon ka ahaa dalka oo dhinaca xeebta ah ku xidhaya xarumaha maamulka dalka.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee wadooyinku in ay kor u qaadayaan helitaanka bulshada ee baahiyaha aasaasiga ah, oo uu ugu horeeyo adeegyada amaanka iyo garsoorku, iyo helitaanka gargaar caafimaad xiliga loo baahan yahay. Waxana ay ku bogaadinayaan Madaxwayne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa ku dhiirashada iyo hirgalinta mashaariicda hirgashay ee Wadooyinka Dalka, Waxa kale oo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland soo dhawaynayaan Midowga Yurub oo markii ugu horaysay si toos ah u taageeray dhismaha wadooyinka dalka.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ka walaacsan yihiin saamaynta xun ee balwada cunista jaadku ku yeelatay Hay'adaha sharci fulinta Somaliland oo u xilsaarnaa sugida amaanka muwaadiniinta, u kuurgal taxadir ah oo kormeerayaasha xadgudubyada Xuquuqda Aadamiga Somaliland ku sameeyeen falal amaan daro oo ka dhacay gudaha xabsiyada dalka kadib markii maxaabsiitii dambiyada culus ku xukunaa saraakiishii iyo ciidamadii asluubta ee ilaalinayay ay gacanta u galiyeen hub iyo rasaas.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ku rumaysteen xogogaalnimada falalkaasi dhaawaca wayn ku ah amniga qaranka ee ka dhacay xabsiga ugu ilaalinta adag dalka oo dhan in ay sababta koowaad ee ku kaliftay in askartu iyo saraakiisha Ciidanka Asluubtu Maxaabiistii ay waardiyaynayeen ay tahayd baahida balwada qaadka oo ku kaliftay in ay ka iibiyaan hubkii ay ku waardiyaynayeen jeelka iyo maxaabiista ku xidhan. Qabatinka Balwada Qaadka ee xubnaha ciidamada sharcifulinta Somaliland waxay Amaanka Qaranka ku keeni karaan falal dhabarjab ah oo waxyeeladoodu ay qoto dheeraato.
Sidaasi darteed, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Mud. Siilaanyo si xoogan uga codsanayaan qaylo dhaantooda ku aadan aafadan qaran.
Mud. Madaxwayne dalka jaarka aynu nahay ee Qaadku inooga yimaado Xukuumada ka jirtaa ciidamadeeda ma qorto ruux balwada jaadka leh balse ruuxa caba khamriga ciidankooda way u qaataan. Taasi waxay daliil u tahay in uu Jaadku khatar badan ku yahay Amaanka Waddanka, Sidoo kale waxa Mudane Madaxwayne aad ka war haysaa in dhawaan Baarlamaanka dalka Ingiriisku in uu dalkiisa ka xaaraantinimeeyay qaadka in lagu cuno ama laga ganacsado, iyadoo darooga heerka 3aad ay ku qiimeeyeen khubarada dalkaasi.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland Mudane Madaxwayne maadaama oo aad muddadan aadka u kooban ee aad hogaaminaysay Qaranka Somaliland aad ku dhiiratay isla markaasina aad suurto galisay EEBE idamkii mashaariic aan xataa muwaadiniintu ku riyoonaynin in ay suurtogali karto, waxa ka mid ah Idaacada Cusub ee Radio Hargeysa, Idaacadaha Qur’aanka, Darajooyinka Ciidamada, Mushahar kordhinta shaqaalaha iyo Ciidamda dalka 100%. Waxbarashada Dugsiyada Hoose Dhexe ee dalka oo lacag la'aan aad ka dhigtay, yagleelida xafiisyadii qaranka oo ahaa sidii uu gumaysigii ingiriisku kaga tagay, Furistii Axsaabta Siyaasada iyo Tirtiridii Gudiyadii Nabadgalyada Qaranka, iyo ku qancinta shacbiga dalku in aanay sugin gacan shisheeye oo ay aaminaan in ay isku tashadaan oo dhistaan waddooyinka ceelasha dugsiyada iyo caafimadkooda. Guud ahaan Taariikhda Duuga ahi way qori in aad sababahooda lahayd guulahaa maguurta ah.
Mud. Madaxwayne waxaanu si naxariisle kaaga codsanaynaa in aad soo saarto qaraar madaxwayne oo aad ku xaaraantinimaynayso in shaqada dawlada iyo ciidamada kala duwan loo qaato ama la qoro ruux muwaadin ah oo leh balwada qaad cunista. Sidoo kale Mudane Madawxayne qorshaha muddo xileedkaaga 2aad ee soo socda ku darsato in aad dalka ka suurto galiso mashaariic lagu nacsiinayo cunista jaadka bulshadeena si acmaasha wanaaga ah iyo qaad cunistu ay aad u kala fogaadaan, tusaale in Maxkamdaha dalku marag aanu ka furi karin ruux cuna jaadku iwm.
Waxa hubaal ah oo Mudane Madaxwayne haddii taladan aad naga qaadato waxaad seeska u dhigaysaa in dalka Somaliland aad u horseeday jiilal gacmahooda lagu aamino.
Gabogabadii Munaasibada Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland ka qaybgalayaasha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Haweenka Beelaha la takooraa waxay kaga dhawaaqeen 2 urur bulsho oo ay samaysteen Muwaadiniin ka soo jeeda bulshada la hayb sooco ee Somaliland waxaana la kala yidhaa 2 urur bulsho Hanoqaad Mirgnilized Minority Women Development organization iyo Ururka Horumarinta Waxbarashada Caruurta Laga Tirada Badan Yahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment