Friday, December 12, 2014

Jaariyaddii Dhawaan Jidh-dishay Gabadh Yar Oo Reer Ghana Ahayd Oo Xukun Dheer Wajahaysa

Kampala:Dec,12,2014(Himilo)-Gabadh Jaariyad ahay oo dhawaan Si xun u jidh-dishay Gabadh yar oo ay xannaanaynaysay, ayaa lagu helay inay debigaas gashay.

jaarHaweenaydan, ayaa laga duubay Kamerad Qarsoodi ah xili ay Garaacid xoog leh u geysanaysay Gabadh yar oo masuuliyadeeda la saaray, isla-markaana loo igmaday inay xannaanayso.

Dowladda Uganda ayaa ku doodeysa in Jolly Tumuhirwe, ficilka ay qaaday uu dhibaato u geystay gabadha yar oo ay nabaro ka soo gaadheen wajiga iyo dhabannada.

Jolly Tumuhirwe ayaa waxa ay qiratay in ay xad gudubkaasi geysatay, balse ma sheegin wax cudur daar ah oo ay arrintaas u haysato.

Dembiya hore loogu heystay oo ahaa jidhdil ayaa la laalay, sababtuna waxa ay tahay in dacwad oogaha qaranka ee wadanka Ugandha uu sheegay in aanan si dhaqsa ah loo cadeyn karin eedahaasi.

Jaariyadaasi ayaa waxa ay weydiisatay maxkamadda in loo dabciyo xukunka, sababtana waxa ay ku sheegtay in lagu qasbay in ay gasho ficilkaasi ay geysatay oo si qarsoodi ah looga duubay.

Waxa ay ku eedeysay gabadha yar hooyadeed in ay garaacday dhowr jeer, taasina ay ku keentay inay tallaabadan ku jawaabto.

Balse Angella Mbabazi, oo ah gabdha yar hooyadeed, ayaa diiday eedahaasi waxa ayna tidhi ‘sidee ayaan uga tagi karaa gabadh yar oo aan dhalay qof aan jidhdil u geystay’.

Miss Tumuhirwe ayaa waxa ay dib ugu soo laabneysaa maxkamadda maalinta Isniinta ah si xukun loogu rido.

Waxa ay wajaheysaa xabsi ah shan iyo Toban sanno ah, waxana laga yaabaa in laga khafiifiyo.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment