Friday, December 12, 2014

Shacabka Reer Kenya Oo Maanta U Dabaaldegaya 51-Guuradii Kasoo Wareegtay Maalintii ay Xorriyadooda Qaateen

Nairobi:Dec,12,2014(Himilo)-Gebi ahaanba waddanka Kenya waxa Maanta oo jicme ah, Bisha December ay tahay 12-ka Looga Dabaaldegayaa 51-Guuradii kasoo wareegtay Maalintii ay xorriyadda ka qaateen Dalka Ingiriiska oo hore u gumaysan jirey.

kasrMadaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa qaranka ku hogaaminaya fantasyaha iyo xuska maalintan oo loo yaqaano Jamhuuri Day.

Munaasabada uu ka qeyb galayo madaxweyne Kenyatta oo sidoo kalena ay ku weyhlinayaan saraakiil sar sare iyo dadweyne fara badan ayaa ka dhaceysa garoonka kubada cagta Nyayo Stadium, halkaasoo ay iminkaba ka bilaabatay fantasyaha.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu fagaaraha xaadir ku noqdo si uu dadka ugu khudbadeeyo, maadaama dalku ku jiro xaalad aan deggenayn.

Jamhuuri Day waa maalin fasax oo shaqaalaha dalka oo idil ay kaga nasanayaan howlohooda, si ay uga qeyb qaataan dabaaldaga markii ugu horeysay ee ay Kenya noqotay Jamhuuriyad madax banaan.

Munaasabado kale oo fara badan ayaa sidoo kale ka dhacaya dhamaan Gobollada dalka, halkaasoo ay Guddoomiyayaashu hoggaaminayaan.

Maanta oo kale 12-ki bishii December ee sanadkii 1963-di ayey ahayd markii uu dalka ka xoroobay gumeystihii Ingiriiska oo in mudo ah soo maamulayay, markaas kadibna Kenya waxaa ka hana qaaday dowlad xor ah oo ilaa maanta jirta.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment