Thursday, December 11, 2014

Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabiley safiir ku xigeenkii hore ee ingiriiska u fadhiyey dalka itoobiya

Hargeysa (Himilo)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxmaed Silaanyo ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Dalka Ethiopia gaar ahaan Addis ababa Mr Chris Allan. Dalka u yimid sidii uu u sii macasalaamayn lahaa Madaxweynaha iyo Shacbiga Somaliland ee uu muddada dheer la soo shaqaynaayey isaga oo loo la dalacsiiyey awgeed kana tegaya shaqadii safiir ku xigeenka,
Madaxweynaha oo Safiir ku xigeenka la qaatay shir saacado socday ayaa kula dardaarmay Mr ALLAN in uu halkaasi ka sii wado xidhiidhkii wanaagsanaa ee uu la lahaa Somaliland laga bilaabo maantana uu yahay saaxiibka Somaliland xilna uu iska saaro sidii uu qadiyada Somaliland u barbartaagnaan lahaa.
Madaxweynaha oo Hadyado kala duwan guddoonsiiyey kuwaasi oo isugu jira dharka hidaha iyo dhaqanka u ah Somaliland, iyo Astaamaha aynu dhaqan ahaan u leenahay hiddaha.
Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey Kulankaasi
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahai Ismaaciil (Saylici)
Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali X Xasan
Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale
Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali
HALKAN KA DHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/12/Codka-Weftiga-Uk-ee-Safiir-ku-xigeenku-hogaaminaayo.mp3"][/audio]
HALKAN KA DAAWO

[gallery ids="12380,12379,12378,12377,12376,12375,12374,12373,12372,12371,12370,12369,12368,12367"]

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment