Sunday, January 18, 2015

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo 14 Cisho loo qabtay inuu Xukuumad Cusub ku Soo dhiso

Kala-diristii Xukuumadda, Codsigii Muddo-kordhinta iyo Go’aankii Baarlamaanka
Muqdisho, 18 Jan, 2015 (Himilo)- Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa muddo laba todobaad ah u qabtay Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke inuu ku soo dhiso Xukuumad cusub, kaddib markii ay shalay ka oggoladeen codsi uu ugu gudbiyey inay ka aqbalaan go’aan uu habeen hore ku kala diray Golihiisa xukuumadda cusub oo uu magacaabay todobaadkii hore.
20141224635550101614001179IMG_2028Raysalwasaare Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa la sugayey inuu shalay golaha baarlamaanka hor-geeyo xukuumaddiisa si cusub si kalsoonida loogu qaado, haseyeeshee taas beddelkeeda waxa uu horgeeyo codsi uu ku dalbanayo in laga ogolaado dhismaha xukuumad cusub oo uu mar kale dsoo magacaabo, waxaanu tallaabadaas u qaaday cabsi uu ka qabo in golaha Baarlamaanku kalsoonida kala noqdo, kaddib markii xildhibaanno tiro-badan oo mucaarad ah ku hanjabeen inay hor-istaagayaan xukuumaddiisa, iyaga oo ku dooday inay xukuumadda cusub ku soo laabteen wasiirradii hore ee xukuumaddii Cabdiweli Sheekh oo ay ku tilmaameen inay ku fashilmeen hawlihii loo igmaday.
Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo markii labaad Raysalwasaare ka noqday Soomaaliya, isaga oo la soo shaqeeyey dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Sheekh Shariif, ayaa noqonaya raysalwasaarihii u horreeyey ee go’aanka noocan ah u gudbiya baarlamaanka dalkaas, isaga oo garowsaday dheeli-tirnaan lagu dhaliilay dhismaha xukuumaddiisa oo xildhibaannada iyo beelaha ku dhaqan dalkaasi saluug ka muujiyeen, waxaanay xukuumaddiisu noqonaysaa tii ugu horreysay ee la kala diro iyada oo aan la marin baarlamaanka Soomaaliya.
Kala-diristii Xukuumadda iyo Codsiga Baarlamaanka
Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabirashiid Cali Sharma’arke oo habeen hore kala diray golihiisa xukuumadda oo uu 12-kii bishan magacaabay, kana koobnaa 60 xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiirrul-dawlayaal iyo wasiir ku-xigeenno, ayaa guddoomiyaha barlamaanka ka dalbaday in laga aqbalo codsiga uu ku kala diray, iyada oo mudaneyaashu ka sugayeen inay kalsoonida u qaadaan xukuumadda.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa qoraal uu u gudbiyey shir-guddoonka baarlamaanka isla habeenimadii uu kala diray xukuumaddiisa, ayaa sheegay inuu go’aan-saday dib-u-eegis ku sameeyo golihii wasiirrada, isaga oo ku dooday inuu tix-gelin gaar ah siinayo afkaaraha kala duwan ee xildhibaannada ka soo horjeestay dhismaha xukuumaddiisa, waxaanu baarlamaanka ka codsaday in fursad loo siiyo muddo laba todobaad gudahood inuu ku dhiso xukuumad cusub.
“Waxaan tixgelin siiyay talada xildhibaannada ee ku aaddan golihii aan soo magacaabay, waxaan ku sameeyay dib-u-eegis go'aankii aan wasiirrada ku soo mgacaabay. Waxaan soo dhisayaa xukuumad aan wada-tashi ballaadhan kala sameeyn doono madaxda Qaranka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaan mudnaanta siinayaa danta guud ee Qaranka, waana midda kaliya ee lagu xaqiijin karo in dalka la gaadhsiiyo hiigsiga 2016-ka,” Sidaas waxa uu Cumar Cabdirashiid ku sheegay qoraal uu u gudbiyey baarlamaanka.
Go’aankii baarlamaanka iyo ballan-qaadkii ka dambeeyey
Fadhiga shalay ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la doonayey marka laga gudo waajibaadka iyo kalsoonida xukuumadda Cumar Cabdirashiid in goluhu fasax galo,ayaa mudaneyaasha loogu gudbiyey Wargelinta xukuumadda la kala diray iyo qoraalka codsiga Raysal-wasaaraha oo xildhibaannada ka dalbaday in muddo 14 maalmood ah wakhtiga loogu kordhiyo si uu u soo dhiso xukuumad cusub.
Fadhiga oo shalay oo ay ka soo xaadireen 202 mudane, isla markaana uu goob-joog ka ahaa Cumar Cabdirashiid, waxa loo codeeyey mooshinka codsiga xambarsan ee raysalwasaaraha Soomaaliya, waxaana halkaas ay xildhibaannu ku ogolaadeen dalabka raysalwasaaraha, iyada oo ay ogolaadeen 190 xildhibaan, waxaana diiday 10-xildhibaan, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari kaddib markii codeyntu dhammaatay waxaanu mudaneyaasha ku war-geliyey in golaha oo markii hore fasaxoodu ku muddeysnaa 22-ka Bishan, ay sii shaqayn doonaan ilaa 5-ta bisha February ee soo socta, isla markaana raysalwasaaraha loogu fadhiyo inuu muddo 14 maalmood ah ku soo dhiso xukuumad cusub.
Raysalwasaaraha Soomaliya Cumar Cabdirashiid oo hadal ka jeediyey fadhiga golaha, ayaa soo dhaweeyey go’aanka mudaneyaashu ku ogolaadeen codsigiisa, waxanuu sheegay inuu sida ugu dhakhsaha badan u soo dhisi doono xukuumad cusub kaddib marka uu la tashado masuuliyiinta dawladda iyo qaybaha kala duwan bulshada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment