Sunday, January 18, 2015

Taariikh nololeedka Fannaaniinkii Caanka ahaa Maxamed Axmed Kuluc oo Hargeysa ku geeriyooday shalay

Hargeysa, 18 Jan, 2015 (Himilo)- Alle ha u naxariistee, waxa shalay Magaalada Hargeysa ku geeriyooday fannaankii caanka ahaa Maxamed Axmed Kuluc oo muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad u yaallay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
maxamed-AxmedEebbe naxariistii Janno haka waraabiyee, Marxuum Axmed Maxamed Kuluc, ayaa dhowrkii sanno ee u dambeeyey gurigiisa iyo cusbitaallada Hargeysa u jiifay xannuun ka haleelay sambabada, ayaa geeriyooday kaddib markii ay neeftu qabatay, sida uu sheegay Agaasimaha cusitaalka Guud ee Hargeysa.
Marxuum Maxamed Axmed Kuluc ayaa ka mid ahaa Fannaaniinta Caanka ka ah ee laga wada yaqaanay Soomaalida isla markaana loogu jecel yahay fankooda, isaga oo muddo nus-qarni ka badan ku soo jiray bahda fanka Soomaalida, waxaanu ka mid ahaa fannaaniintii ugu waaweynayd ee ka soo qayb-qaatay horumarinta fanka Soomaaliyeed. Maxamed Axmed Kuluc ayaa ka mid ahaa Fanaaniintii Walaalaha Hargeysa oo sannadihii Kontonaadkii ka samaysmay magaalada Hargeysa ka hor intii aanu markii dambe ka mid noqon Hobolladii Waaberi.
Waxa la filayaa in marxuumka Aas Qaran loogu sameeyo magaalada Hargeysa, sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).
Marxuumka oo muddooyinkii u dambeeyey u jiifay xannuun ka haleelay Sambabada, ayaa markii u dambaysay ee goob-fagaare ah lagu arko ahayd munaasibad qado-sharaf ah oo wasaaradda warfaafintu u samaysay Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo uu ka qayb-galay todobaadkii hore.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shacabka Somaliland, bahda fanka iyo ehelladii uu ka tacsiyeeyey geerida marxuumka.
Taariikh nololeedka Marxuumka oo kooban
Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ku dhashay deegaanka Raydab-Khaatumo oo ka tirsan gobolka Togdheer sannadkii 1935kii,waxaanu waxbarashadiisii ku qaatay Somaliland Wakhtigii uu maamulayay Ingriisku.
Alle ha u naxariistii, waxa uu marxuumku fanka ku biiray sannadkii 1954kii isagoo ka mid noqday kooxihii ugu horeeyay ee laga aas aasay Carriga Somaliland xiligaasi oo ay socotay dabayshii gobonimo doonka. Wixii ka horreeyey xornimadii Somaliland, waxa uu marxuumku metelay badan iyo heeso uu qaaday oo dhiirrigelinayey dhaq-dhaqaaqyadii xornimo doonka.
Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ka mid noqday kooxdii Walaalaha Hargaysa ee ka hawlgali jirtay Idaacada Radio Hargaysa, isagoo ka mid ahaa fanaaniintii habeenkii calanka laga taagay fagaaraha beerta xoriyadda ka heesay halkaasi kuna luuqeeyay heeso ay ka mid ahaayeen, Aan Maalo Hasheena Maandeeq oo uu Sameeyay Abwaan Saxardiid Maxamed Jabiye, laxankana uu saaray Alle Ha u Naxariistee Cabdiilaahi Qarshe.
Marxuum Maxamed Axmed Muddadii uu fanka ku jiray waxa uu ka qayb qaatay Riwaayado iyo heeso iskugu jira Wadani,wacyigalin iyo Jacayl.
Boobe Yuusuf Ducaale oo soo xigannaya taariikh uu ka guntay marxuumka, ayaa sheegay in marxuumku uu dhalay Afar Wiil iyo Shan iyo toban Hablood oo ay ka nool yihiin immika Saddex wiil iyo Shan iyo toban hablood, kuwaas oo ka kooban Shan bahood.
Bahda Himilo Media Group waxa ay bahda Fanka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay ka tacsiyadaynayaan geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Kuluc, waxaananu Eebbe uga baryeynaa marxuumka inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelkii, qaraabadii, Asxaabtii iyo bahda Fanka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment