Paris:Jan,17,2015(Himilo)-Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxdii ragga ahayd ee dhawaan Weerarka dhago-faarka dhaliyey ka fulisay Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska, gaar ahaan Xarunta Wargeyska Charlie Hebdo.

Booliiska dalka Beljemka gaar ahaan kuwii dhawaan weeraray magaalada Verviers oo ay guryaha ugu dhaceen rag hubeeysan ayaa waxay booliiska dalka Faransiiska ku wargaliyeen in ragii 3-da ahaa ee weerarada ka geystay magaalada Paris ay dhamaan hubka ka soo iibsadaan gudaha dalka Beljamka.
Wiilashii walaalaha ahaa ee weeraray xarunta jaraaidka Charlie Hebdo ayaa waxaa la shaaciyay inay hubka kala soo baxeen lacag lagu sheegay in ka yar 5.000 oo Euro halka Amedy Coulibaly oo dukaankii Yahuuda weeraray uu hubkiisa sidoo kale ka soo iibsaday gudaha dalka Beljemka.
Kooxdaas weerarka Fulisay ayaa cabsi badan ka Abuurtay Gebi ahaanba qaaradda Yurub, waxana ilaa iyo haatan socdo Mudaharaaddo ka dhashay Afelgaaddo Wargeyska Charlie Hebdo uu ka faafiyey Nebi Muxamed N.N.K.H.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment