Waxa aan si gaar ah uu salaamayaa dhammaan dadka sida gaarka ah ugu xidhan warbaahinta kala duwan ee Somaliland. Marka xigta waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan ummada reer Somaliland ee jecel nabada.
Waxa aan jecelahay in aan fikirkayga salmiga ah ka dhiibto xaaladda inagu soo socota ama aad ka wada dherag-santihiin oo ah ee doorashoyinka la rajeynayo Insha Allahu in ay ka qabsoomaan Somaliland iyo hadalkii gefka ahaa xubno ka midda Madaxdhaqameedka.
Salaan ka dib waxa maanta dalka ka socda u diyaar-garowga doorashada madaxwaynaha iyo tan madaxwayne ku xigeenka iyo weliba Barlamaanka oo ku began 26ka bisha June 2015. Dadka reer Somaliland waxay diyaar u yihiin oo ka go 'an inay galaan doorasho xaq ah oo xalaal ah, ummada Somaliland waxay arrinkaas u igmadeen una dhiibteen KOMISHANKA QARANKA ee SOMALILAND. Xilka Komishanka saarani maaha oo keliya inuu doorasho qabto ee waa inuu qabtaa doorasho ku salaysan xaq iyo xeerka iyo dastuurka umadda Somaliland. Qof kasta oo waddani ah wuxuu diyaar u yahay inuu codkiisa si cad oo aan mad-madaw lahayn u dhiibto uguna codeeyo cida uu rabo
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaaanyo ayaa sheegay inuu mar kale isku soo sharixi doono doorashada madaxtinimada, inta sharciga u ogol yahay uuna u taagan yahay doorashada madaxtinimada xisbiga Kulmiye ee Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo oo xilka madaxtinimada Somaliland qabtay, bishii July ee sanadkii 2010, waxaana uu xilkiisa ku eg yahay bisha June ee sanadka 2015 oo la rajeynayo inay doorasho ka dhacaan Jamhuuriyada Somaliland.
Waxaana wax lala-yaabo ah, iyadoo aanay Doorasho Dhawayn oo Ciddii Doorashada ku shaqo Lahayd aanay wali ka hadal, in madax-dhaqameed uu arrin aanu shaqo ka lahayn iyo cid kale-toona, wax la iska yidhaahdo, immikana waxaaba Doorashada ka Hadhay afar Bilood oo Kaliya.
Komiishanka Doorashooyinka oo la kaashanaya Xisbiyada Qaranka ayaa hawlahaasi umaddu u xilsaartay oo loo daba-fadhiistaa, laakiin Madax-dhaqameed, hawlo ku saabsan doorasho iyo Mudo Kordhinta meelna Uma Soo Maraan Arrimahaasna waxa Qaabilsan Komishanka Qaranka.
Komishanka intii la soo doortay ee ay shaqada qabteen, waxay u yeedheen xisbiyada madaxdooda sida warbaahintu sheegtay, ugana warrameen , meesha ay wax marayaan iyadoo dadweynuhu war badan ka sugayaan. Warka ugu muhiimsan ee ummada oo dhami sugeysaana u yahay, in wakhtigii doorashada iyo diiwaangelinta inay iyagoo dhameystiran u soo bandhigaan bulshada Somaliland, isla-markaana diiradda la saaro sidii la isula meel dhigi lahaa qabashada doorashooyinka soo socda oo dhicitaankooda wali aan si fiican la iskugu dubo ridin.
Sidoo kale, maanta Somaliland waa qaran yar oo dimuqraadi curdin ah oo ku dhisan nidaamka asxaabta badan oo qabyo badani ka muuqato , waxa aad la wada socotaan waxyabaha la inagu majiirto ama aynu ku faano ayaa ay ku jirtaa doorashooyinku. Sidaa daradeed Madax Dhaqameedyadu haku koobnadaan arrimaha dhaqankooda khuseeya oo keliya, Muddo Kordhin iwm meelna Ugama bannaana. Waxa Qaabilsan hay’adda Komishanka Qaranka.
Waxaa loo baahanyahay cid kastaaba in ay shaqadooda ku koobnaato, hadal kasta oo madax-dhaqameed oo ku saabsan arrimaha ka baxsan xadkooda, waxa uu gef ku yahay shacabka iyo distoorka JSL.
Waxa jira Madax-dhaqameed badan oo ku amaanan Hawshii loo igmay kuna kooban hawlahoodii, isla markaana Bulshadooda dhexdiisa ku leh karaamo iyo sharaf badan, laakiin waxay ku socotaa , kuwa baxay xayndaabkii uu lahaa kuna dhexmilmay Siyaasada Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
By Adan Yusuf Elmi
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment