Hargeysa (Himilo)-Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa ka qaybgallay olole balaadhan oo dawladda hoose ee Hargeysa ka bilowday badhtamaha magaalada Hargeysa, taasi oo lagu banaynayey waddooyinkii xidhnaa ee cidhiidhiga galin jirtay caasimadda.
[gallery ids="15384,15383,15382,15381,15380,15379"]
Maayarka ayaa uga digay dadweynaha inay caadaysteen in dadku wax ku iibiyaan waddooyinka dhexdiisa iyo meherada hortooda, kaasi uu sheegay inay joogto noqon doono ololaha jidad banaynta caasimadda oo aan cidna laga ogolayn in waddooyinka hareerahooda alaabooyin lagu dhex iibiyo.
“waddada madaarka laga soo bilaabo, waddooyinka badhtamaha dhex mara kuwo u baxa Jigjiga-yar iyo New hargeysa intaba waanu ka shaqaynay maalin kasta, qofkii loogu taag waayey meheradaada ku ganacso u diyaar garow inaanu alaabta maalin walba qaadno oo waddooyinka ka dhex gurno” ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Soltelko oo ka hadlayey banaynta jidadka ee badhtamha magaalada Hargeysa, waxaanu intaas ku daray “waa in qof kasta meherad ku dhex ganacsado, kuwo sariibadaha loo sameeyey sariibadda dhexdoodda waa inay ku ganacsadaan oo aanay dibadda ula soo bixin”.
Ololahan waxa ka qaybqaadanayey shaqaaalaha dawladda hoose iyo madaxda sarsare ee dawladda hoose, kuwaasoo sheegay in maalin kasta uu socon doonno jidad banaynta caasimadda iyo kor u qaadadida billicda, taasoo ay sheegeen in lagu nadiifinayo suuqa iyo jidadkii ay xidheen dad ku ganacsanayey jidadkaasi oo alaabtooda lagu amray inay gurtaan.
Sidoo kale, Maayarku wuxuu lug ku soo dhex maray suuqa weyn ee waaaheen, khudradleyda, hillibleyda iyo Sariibadda suuqa dhexe ku taalla, kaasi oo uu bulshaddii halkaasi ka ganacsanayey ka dhagaystay warbixino iyo baahiyaha ay rabaan, isagoo u ballanqaaday inuu wax ka qabannayo dhamaan wixii ay soo codsadeen.
Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko wuxuu xadhiga ka jaray sariibad laga hirgaliyey xaafadda Star ee degmadda Maxamuud Haybe oo loo sameeyey qaab casri ah, isla markaana laga heli karo wax kasta oo bulshaddu u baahan tahay.
Maayarka ayaa sheegay in degmo kasta gaarkeedda loo suuqeyn doono, isagoo dadweynaha ugu baaqay in degmo kasta sariibadeedda macmiil u noqoto ee aanay tagin sariibadaha ka fog fog ee suuqa dhexe, maadaama oo la qorsheeyey in degmo kasta isa suuqayso oo dadkii wixii suuqa dhexe uga baahnaa loo geeyo xaafadahoogga.
Si kataba ha ahaatee, dawladda hoose ee Hargeysa ayaa wadda qorshayaal lagu daadajinayo maamulka, isla markaana degmooyinka iyo badhtamaha magaalada loo samaynayo jidad waaweyn iyo goobo laga tukaansaddo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment