Wednesday, February 11, 2015

Madaxweynaha Somaliland oo Shahaadooyin Caafimaad guddoonsiiyey Boqollaal Dhakhtar iyo Shuruudo lagu soo rogay

“Madaxweyna lix boqol iyo laba iyo afartanka Dhakhtar ee aannu maanta dhammaynay Warkooda ee aannu Shahaadada siinnay, waxa weheliya inay…” Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Qaranka Dr. Axmed Xaashi Oday
Hargeysa, 11 Feb, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shahaadooyin Aqoonsi Caafimaad ah guddoonsiiyey 642 Dhakhtar oo reer Somaliland ah oo ka hawlgala goobaha kala duwan ee Caafimaadka, kuwaasoo uu soo diyaariyey Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka oo Shuruudo cusub soo wada diyaariyey.
Ka sokow Madaxweynaha waxaa Munaasibadda Shahaadooyinkaas lagu bixiyey oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ka soo qaybgalay Salaasadii shalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Wasiirro, Dhakhaatiir, Aqoonyahan, Saraakiil Caafimaad, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale.
DSC_0236Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Wakiillada, ayaa Wada-jir u guddoonsiiyey Shahaadooyinkaas dadka Xirfadaha Caafimaad leh ee Guddigu ugu talo-galeen, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo kala duwan. Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Qaranka Dr. Axmed Xaashi Oday, ayaa sheegay in Shaqada Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadku Masuul ka yahay kala shaandhaynta Dhakhaatiirta Caafimaadka, hubinta tayadooda aqooneed iyo hubinta goobaha Caafimaadka tayada dawooyinka lagu iibiyo iyo dadka ka hawlgala heerkooda aqooneed, sidaa awgeedna ay Guddigu hawl muddo soo socotay natiijadii ka soo baxday kulankan loo qabtay.
“Nin baa maalin yidhi; ‘Baytari wanaagsan oo gacantii labaad ah (second hand) ah ii raadi, Baytarigana Baabuurka lagama dejiyo inta uu shaqaynayo, ee marka uu shaqada joojiyo ayuun baa Gaadhiga laga dejiyaa, Dhakhtarka khabiirka ah ee wanaagsanina gurigiisa kama tago oo halkiisaa looga baahan yahay. Innaga Dhakhaatiirteenna caanka ah ee aynu naqaanno kuma jiro mid Sucuudiga u shaqo-tegay, kumana jiro mid Maraykanka u shaqo-tegay, waa kuwaa halkan wada jooga.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Axmed Xaashi Oday oo sheegay inaan loo baahnayn Dhakhtar aqoon guud uun leh oo ay leeyihiin Dhakhaatiirta Muwaaddiniinta ah in dalka loo shaqo keeno, laakiin loo baahan yahay Dhakhtar aqoon gaara leh oo dalka iyo dadka wax u faa’iidaynaya oo weliba buuxiyey Shuruudaha ay Guddi ahaan uga baahan yihiin.
Waxa uu Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Somaliland sheegay inay hore u celiyeen Dhakhaatiir Ajaanib ah oo dalka dibeddiisa laga keenay oo buuxin waayey Shuruudaha heerka Aqooneed ee looga baahan yahay, kuwaasoo uu sheegay inay ku shaqaysanayeen dad reer Somaliland ah oo aan Dhakhaatiir ahayn, balse dibedda dad ka keensada ay Dhakhaatiir ugu wada yeedhaan, balse aan wada ahayn.
Dr. Axmed Xaashi Oday waxa uu sheegay inay weli qabyo u tahay diiwaangelinta dad boqol qof ka badan oo Xirfadda caafimaadka ku shaqaysta oo Ajaanib ah oo aanay weli dhammaystirin caddaymohooda, balse ay dhammaystireen diiwaangelinta lix boqol iyo laba iyo afartan Hawl-wadeenno Caafimaad ah oo Somaliland u dhashay.
Waxa uu Dr. Oday Sharraxaya Shahaadada ay bixiyeen iyo cidda ay siiyeen uu yidhi; “Mudane Madaxweyna lix boqol iyo laba iyo afartanka Dhakhtar ee aannu maanta dhammaynay Warkooda ee aannu Shahaadada siinnay, waxa weheliya inay Shahaadadani tahay tii diiwaangelinta, laakiin waxa soo baxaya Liisankii oo sannadle ah. Nin kasta oo Shahaadada qaata maanta waxa uu bixinayaa Fiiga Shahaadada iyo ka Liisanka labadaba, halkaasna waxa ka soo baxaya Dhaqaale xoog leh oo Miisaaniyadda dalka ku soo biiraya. Markaa, waxay noqonaysaa inuu qofkuna shaqaysto, dhaqaalaha dalkana wax ka taro.”
Sidoo kale,, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo isaguna halkaas ka hadlay waxa uu sheegay inay dhibaato ka haysato aqoon-darrada ka taagan goobaha Caafimaadka ee dawooyinka lagu iibiyo ee Farmasiiyada magaalooyinka dalka ku yaal iyo Xayaysiisyada Caafimaad ee la mariyo Hay’adaha Warbaahinta iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta. Waxaanu Warbaahinta ugu baaqeen inay tixgeliyaan ku dhaqanka Wareegto uu ku mabnuucay baahinta Xayaysiisyada Caafimaad ee aan Wasaaradda Caafimaadka soo marin, waxaanu xusay Wasiir Xaglo-toosiye inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan Hay’adda Warbaahineed ee tix-gelin wayda Wareegtadaas lagu joojiyey Baahinta Xayaysiisyada Caafimaad ee aan Wasaaradda soo marin.
“Arrintan maanta bilaabantay waa in lagu soo afjaro xad-gudubka Caafimaadka lagu samaynayey. Wakhti ayuu Komishanku u qabtay in Xarun kasta oo Caafimaad iyo Dhakhtarkastaa is-diiwaan-geliyaan, marka wakhtigaasi dhammaado waxa imanaysa Xarunta caafimaad ee aan Shahaado iyo Liisan haysan iyo Dhakhtarka aan Shahaado iyo Liisan haysan aannu meeshiisa ugu tagno annagoo adeegsanayna Ciidammada Ammaanka, la soo qabto, Maxkamad la geeyo oo la xidho, waxa weeye ujeeddadu in la dhammaystiro dadka sida Sharci-darrada ah ku laynaya dadkeenna ama Farmasi ha ahaado ama Cusbitaal ha ahaado ama goob kale oo Caafimaad ha ahaatee haddii aan la caddayn Wasaaraddu aqoonsan mayso, Liisanna lama siin doono.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo oo gebo-gabadii Munaasibaddaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Farxad wayn bay ii tahay inaan maanta ka soo qaybgalo Xafladdan qiimaha iyo qaayaha wayn leh. Caafimaadku waa wax muhiim u ah mushatamaceenna, dadka iyo ummadda oo dhan oo muhiim innoo wada ah, ilaalintiisa iyo wax-ka-qabadkiisuna waa waxa ugu weyn ee ummadda iyo dalka loo qaban karo, haddii annagu aannu nahay dawladdana wax allaala wixii aannu ka qaban karno ee ka geysan karno waannu ka geysanaynaa.”
“Haddii ay tahay ilaalinta bad-qabka Bulshada, diiwaangelinta goobaha Caafimaadka iyo wax ka qabadkooda annagu waxaannu diyaar u nahay wax alla wixii waajib iyo xil naga saaran inaannu gudanno oo ka soo baxno, waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Hay’adaha ku shuqul leh ee hawshaa ka wada shaqeeya, waxaanan ka ballan-qaadayaa wixii waajib nala soo gudboonaada ee xaggayaga looga baahdo inaannu mar walba wax ka qabanno, gacanna waannu ka siinaynaa wixii nala soo gudboonaada.”
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Wasiirro, Dhakhaatiir, Aqoonyahanno Caafimaad oo kala duwan iyo Xubno ka tirsan Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, ayaa iyaguna Munaasibaddaas ka hadlay, isla markaana soo dhaweeyey tallaabadan ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Qaranka Somaliland qaadeen si loo saxo khaladaadka dhinaca caafimaadka. Waxaanu Madaxweynuhu gunaanadkii Madashaas Shahaadooyinka ku guddoonsiiyey Dhakhaatiirta iyo hawl-wadeennada kala duwan ee Caafimaadka ee loogu talo-galay Shahaadooyinkaas oo tiradoodu dhammayd 642 qof.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment