Sunday, February 15, 2015

Maxkamad Ku Taala Talyaaniga Oo 30 Sanno Oo Xadhig Ah Ku Ridday Nin Soomaali Ah

Palermo, 15 Feb, 2015 (Himilo)- Maxkamad ku taala magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga, ayaa xukun gaadhaya Xabsi muddo 30-sanno ah ku ridday nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegayMaxamuud Cilmi Muxuyadiin.
2013-11-08T122858Z_617889633_GM1E9B81KIK01_RTRMADP_3_ITALY-MIGRANTS-SLAVERY_0Ninkan oo da’diisu lagu sheegya 34-sanno jir, ayaa lagu eedeeyay inuu ka masuul ahaa dhimashada 336 qof oo tahriibayaal ah oo la socday Dooni sannadkii bishii October ee 2013-dii ku degtay meel u dhow Jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, xilli doonidaasi ka soo shiraacatay xeebaha dalka Liibiya.
Maxamuud Cilmi Muxudiin ayaa sidoo kale lagu helay in uu ku kacay falal kufsi ah oo uu u geystay haweenkii la socday Doonta.
Ciidamada Booliska ee Jasiiradda Lampedusa, ayaa gacanta ku soo dhigay ninkan xilli uu isku dhex qarinayay tahriibayaashii ka badbaaday shilkaas, iyada oo muddo sannad ku dhow dhegaysiga dacwaddiisu ka socotay maxkamadda Palermo ee Talyaaniga, waxaana ugu dambayntii Maxkamaddu maalintii shalay ku xukuntay 30 sanno oo xadhig ah, kaddib markii lagu helay eedaymihii loo haystay.
Booliska Talyaaniga, ayaa xabsiga u taxaabay ninkaasi 8-dii bishii November ee sanadkii 2013-kii.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kooxda La dagaalanka Budhcad Badeedda ee Palermo, Geri Ferrara, ayaa sheegay inay Maxkamaddu ka codsadeen in xukun adag lagu rido ninkaasi, isla-markaana ay Maxkamaddu aqbashay in lagu qaado xukun xabsiyadeed oo dheer, si ay dersi ugu noqoto kuwa
kale ee waddadaasi ku taagan.
Boqolaalka qof ee ku dhintay Doonida qarraqantay, ayaa intooda badan ka soo kala jeedeen dalalka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaanay degtay kaddib markii dab qabsaday Doonida oo waxyar u jirta xeebaha jasiiradda Lampedusa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment