Sunday, February 15, 2015

Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha Soomaaliya oo Jarmalka lagu baadhayo?

Hargeysa, 15 Feb, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa markii u horreysay ka hadlay baadhitaanka caafimaad oo uu u tegay waddanka Jarmalka, isagoo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay xilliga aad u wanaagsan tahay.
Xasan Sheekh oo ku sugan dalka Jarmalka, isagoo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay xilliga aad u wanaagsan tahay.
maxresdefaultXasan Sheekh oo ku sugan dalka Jarmalka, waxa waraysi dhinacyo badan taabanayey la yeeshay Madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da Cabdiraxmaan-Koronto shalay, waxaanu sheegay in saddexdii sano ee uu xilka hayay fursad u helin inuu baadhitaan caafimaad sameeyo.
“Jarmalka waxaan u imid baadhitaan caafimaad, saddexdii sano ee aan xilka hayay fursad uma helin inaan baadhitaan caafimaad isku sameeyo, dhawaan dalka ayaan ku noqonayaa waa soo gaba-gabaynayaa, marka da’dan oo kale la gaadhana waa daruuri in baadhitaan caafimaad la sameeyo.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya oo ka jawaabayey heerka xaaladda caafimaad ee uu Jarmalku u tegay.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay inuu la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Jarmalka, isla markaana ay ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya, waxaanu uu la kulmay la xusay inay yihiin xubno ka tirsan Xafiiska Raysal-wasaaraha dalka Jarmalka Angela Markel.
Su’aal ku saabsanayd arrimaha musuq-maasuqa ka jira Soomaaliya oo Weriyuhu weydiiyeay ayuu Madaxweynuhu kaga jawaabay sidan; “Dawladeydu way la dagaallamaysaa wax walba oo musuq-maasuq ah, ciddii lagu helana sharciga ayaa lala tiigsanayaa, mana jirto cid sharciga ka sarreysaa.”
“Colaadda ka taagan degmada
Guri-ceel ma aha mid ay ku lug leedahay Ahlusunna Wal-jamaaca, waayo? hoggaanka sare ee Ahlu-sunna waxaan ku kulannay magaalada Dhuuso-mareeb, waana ugu mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen la-dagaallanka Al-shabaab.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey cidda wadda dagaalka Guri-ceel inay Ehlu-Sunnah tahay iyo in kale.
Xasan Sheekh ayaa maalintii Arbacada ee toddobaadkii hore ka dhoofay magaalada Muqdisho, balse aan wax faahfaahin ah ka bixin safarka caafimaad ee uu ugu kicitimay waddanka Jarmalka iyo halka laga hayo-toona, balse waxa uu sheegay inaanu jirin xanuun wakhtigan hayaa, balse uu baadhitaan caafimaad uun marayo xilligan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment