“Dadkan Boorama iyo Gebilay-ba deegamadoodii hore ayaa lagu kala celinayaa, inta la Xooleeyo… badhsaabada iyo maayarada gebilay iyo Boorama, hawshaa way nala wadaan.” - Wasiir Axmed Cabdi Casood
“Qaxoonti reer Awdal ah oo muddo 23 sannadood beertiisu ka maqan tahay ma jiro, qorshaha hay’adaasi……….” Xildhibaan Cabdisamad
Hargeysa 03 Feb, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, ayaa ku hawlan qorshe dib-u-dejinta loogu samaynayo Dad Xoolo-dhaqato oo hore ugu baro-kacay gudaha dalka, gaar ahaan gobollada Awdal iyo Gabiley, kaas oo muran is-fahan-darro ka dhex-abuuray bulshada.
Qorshaha mashruucan lagu hirgelinayo oo maalgelintiisa ay bixinayaan hay’ado wada-shaqayn la leh wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, ayaa dad xoolo-dhaqato ah oo abaaro dalka soo marayo ka lumiyeen xoolihii ay dhaqaneed, ku kalliftay inay noloshiisa ka raadsadaan magaalooyinka dalka, ayaa la sheegay in mashruucani u saamaxayo sidii ay dib ugu noqon lahaayeen deegannadii ay ku noolaayeen, iyada oo xoolo ay dhaqdaana loo iibinayo.
Waxase Qorshahan ka biyo-diiday oo mid dad cusub lagu deegaamaynayo ku tilmamay xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Gabiley oo ka mid ah meelaha dib loogu celinayo dadka barakcayaasha ah, iyada oo ku dooday inaanay waxba ka jirin dad barakacay oo deegaannadooda ka maqan.

“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo qorshe wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Hay’ad kale ay beryahan dad kaga soo rarayeen magaalada Boorama oo la keenayo deegaamo hoos yimaada Gebilay, sida Kala-baydh, Xuunshalay. Qaxooti reer Awdal ah oo muddo 23 sannadood beertiisu ka maqan tahay ma jiro, qorshaha hay’adaasi waddo xiisad cusub ayey deegaanka ka abuuraysaa,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Iyadoo la ogyahay in dadkii ka qaxay seemaal weli baro-kacayaal ku yihiin Gebilay, cid qaadana ay la’yihiin, dad 23 sannadood qaxooti ku ahaa Boorama ayaa la keenayaa caqliga ma gasho, waa laga baxay qaxootigii wakhtigii Siyaad Barre lays dulkeeni jiray. Arrintaana weli Badhasaabka Gobolka, Maayarka Gebilay wax xog ah nagama siin ujeedada hawshaa. Heshiiskani halkuu ka dhacay yaa wada?,” ayuu yidhi xildhibaanku.
Dhinaca kale, wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin oo xalay Wargeyska Himilo arrintan wax ka weydiiyey, ayaa sheegay inay jiraan dad Xoolo-dhaqato ah oo dib-u-dejin loogu samaynayo laguna celinayo deegaamo ay hore uga barokaceen xilli ay abaaro xoolahooda ka madhiyey ku dhufteen dalka.
“Waa dadkii abaarahii ku baro kacay ee xoolahu ka baxeen, waxay u qaxeen eheladooda magaalooyinka, xilligana inta la xooleeyo ayaa lagu celinayaa deegaamdii ay hore uga soo barokaceen.
Dadkan oo Boorama iyo Gebilay-ba jooga deegamadoodii hore ayaa lagu kala celinayaa, inta la xooleeyo,”Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

Sidoo kale, waxaanu isku-daynay inaanu arrintan wax ka weydiinno Guddoomiyeyaasha Gobollada Awdal iyo Gabiley, Cabdoo Axmed Aayir iyo Mustafe Cabdi Shiine, balse nooma suura-gelin inaanu helno iyada oo labada masuul midna telefonka naga qaban-waayey, midkoodna telefonkiisu bakhtiisnaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment