
Dhowr ka mid ah sawirka hogaamiyahan 88 jirka ah ee dhuumaalaysiga lagu la’aa muddo 7 bil ku dhow ayaa muujinayey isagoo gacmaha ku haya Wargeys ay ku qoran yihiin Seddexdii basaasiinta reer Cuba ee dhawaan ay dowladda Mareykanku kasii deysay xabsiyadeeda kadib wadahadallo iyo isfaham dhex maray labada dal.
Saddexda sirdoonka ee u dhashay Cuba ayaa la sii daayey ka dib markii labada dhinac ay ku dhawaaqeen in labada dal ay dib u dhis ku sameynayaan xidhiidhkooda diblomaasiyadeed.
Ka hor inta aan sawirradan lasoo bandhigin, Fidel Castro waxaa muuqiisa la weysanaa 7 bilood, bishii Agoosto ee sanadkii hore ayeyna aheyd markii ugu danbeysay ee sawirro laga helay, ka hor inta aan la arkin muuqaalkiisan cusub.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment