Tuesday, February 3, 2015

Siyaasi Hore Oo Beeniyey Inuu Ku Biiray Xisbiga Waddani, Talooyin Wax-ku-ool Ahna Soo Jeediyey

Hargaysa:Feb,03,2015(Himilo)-Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(jawaan)ooh ore u ahaan jirey Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Somaliland, ayaa meesha ka saaray inuu ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani, isla-markaana xukuumadda iyo Axsaabta dalka usoo jeediyey Talooyin meemar ah.

cabdilahi jawaanCabdilaahi Jawwaan oo maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay inuu ka mid yahay Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye, kaas oo uu ilaa iyo haatan si rasmi ah uga mid yahay,

“Markaan Komiishanka Ka tagay Xisbiga Aan ku Biiray waxa uu ahaa Xisbiga Kulmiye,ilaa hadana kamaan Bixin Xisbiga,Kumanaan Biirina Wadani ilaa hadana Maskaxda kuma Hayo inaan ku biirayo,Warkaas Aad sheegaysaana waxba Kama Jiraan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan.

Cabdilaahi Jawaan oo Saxaafaddu wax ka weydiisay maadaama uu yahay muxaafid Kulmiye katirsan in xil wasiirnimo loo magacaabayo, ayaa yidhi,

“Madaxwaynaha ayaa Xaq u leh inuu I Magacaabo Xilkuna Nooca uu yahay Maad sheegin Lakiin waxaan Arkayay Jaraa’id waxaanan leeyahay waxaasi waa Been,waxaanan ku leeyahay Madaxwayne Siilaanyo ayaa Xaq u leh isku shaan-dhaynta iyo cid uu xilka u dhiibanayo. wax aniga igu haya Kurbo am aan u dagaalamayo Ma jirto,Madaxwayne Siilaanyo Cidii uu doono ayuu Xilka u dhiiban Karaa Lakiin aniga waxa kurbo igu haya oo dhib ahi Ma jiraan”

Cabdilaahi Jawaan waxa uu ka Hadlay hoos u dhaca qiimihii Baaralmaanka iyo sida aanay uga Hadlin xaqa dadkii ay matalayeen ee soo doortay, waxana uu yidhi,

“Baarlamankii la doortay Deegaankii ay ka soo jeedeen u Hadli lahaa ayaa wax badalay Cuqaal iyo odayaal Dano Gaara leh ayaa had iyo jeer buuq galiya,deegaankas had markasta wax u hadla xildhibaanka laga soo doortay,Anigu madhaliilayo Haay’adda Lakiin Baarlamanku Wixii loo doortay Kuma Shaqeeyo Marka Runta Laga hadlo,waxaana Haboon in ay dadka Baahidooda Ka hadlaan Deegaanka Ay ka Soo jeedaan ay u tagaan Xildhibaan kasta.”

Cabdilaahi Jawaan ayaa tan iyo markii Komishankii Doorashooyinka ee uu katirsanaa ay meesha ka baxeen aan wax xil ah qabanin, waxana soo baxayey warar kala dambeeyey oo sheegayey inuu kasoo dhex muuqan doono Isku shaandhaymo uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan miiska keeni doono.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment