
Wasiirka oo shalay hortagay Golaah Baarlamaanka oo markii uu ka soo baxay warhbaahinta la hadlay, waxa uu sababeeyey waxa keenay inaanu hoos u dhicin Shidaalka dalku, waxaanu yidhi, “Sida aan golahaba ugu sheegay horena umaanaan heli jirin Rasiidhada ay wax ku soo Iibsadaan Qoladan Ganacsatada ah, haddana noomay keenin, iyaguna waxay sheegayaan inaanay waxba ka jabin, annaguna ma garan karayno Suuqan ay wax ka soo iibsadaan meel uu yahay.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Wax isbedel ah oo Muuqda may sheegin Shirkaddaha Shidaalka keena laakiin,annigu mar walba waxaan u diyaar ahay Shidaalku cidna uma xidhna, cid ganacsiga Shidaalku gaar ugu xidhan yahay ma jirto,annigu waxaan aaminsanahay ciddii muwaadin ah ee Shidaal jaban keenaysa inay u furan tahay oo ay keeni karaan, looguna shubayo Haamaha Shidaalka, Muwaadiniinta wixii u jaban uun baa la qaadanayaa cidna loo xidhnaan maayo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:
Post a Comment