
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in dowladda Sudan ay la soo xidhiidhay, isla-markaana Madaxweynaha Somaliland iyo midka Suudaan si toos ah arrimaha Hubkaas uga Wada Hadleen, taas oo keentay in markii dambe la fasaxo Markabkii iyo Hubkii saarnaaba.
“Madaxweynaha Sudan ayaa la soo xidhiidhay Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ka codsaday in hubkaas la sii daayo, warqad buu noo soo qoray, waxaana goosanay inaan fasaxno Markabkan, markii aan ku qanacnay warka nala soo siiyay, Sudan waa dal aan saaxibo nahay oo cilaaqaad badan uu naga dhaxeeyo”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland.
Waxaa uu sheegay in dowladda Sudan ay soo cadeysay in Markabkan hubka sida ay iyadu leedahay, isagoo intaa ku daray in ganaaxii lacageed ee la dul saaray Markabkan ay ka cafiyeen, ayna sii deyn doonaan saacadaha soo socda.
Dowladda Sudan ayaa sheegtay in Markabkan hubka sida uu ku socday Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo Bandhig Hub ah oo ka dhici doona dalkaas.
Hubkan ayaa ka kooban hal madfac oo weyn oo dhuuuntiisu tahay 122mm, hal kaare, laba gawaadhida gaashaaman oo laga rido gantaalaha rocket-ka ah , laba baabuur oo ah nooca aan rasaastu karin, iyo hal doon oo ah nuuca dagaalka ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment