Asma oo ka soo amba-baxday magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya oo iyada iyo Aabaheeda Sheekh Aaden-Siiro ay ku galeen Qalliinka Kelyaha isla markaana ka soo kabatay qalliinkii Kellida lagaga saaray, ayaa la doonayaa in lagu soo dhaweeyo Maaarka Diyaaradaha ee Hargeysa oo lagu wado inay ka soo degto Sabtida maanta, iyada oo dad isugu jira dhalinyaro, qoyska iyo ehelkeedu isu diyaarinayaan inay ku qaabbilaan qalbi furan iyo farxad.
Dhalinyaro ka mid ah kuwa dugsiyada NUURADIIN ee magaalada Hargeysa oo ay qaarkood isku arday ahaayeen saddex sannadood muddo laga joogo iyo qaar ka mid ah hablaha Caasimadda ku nool, ayaa sheegay inay isku abaabulayaan sidii ay soo-dhaweyn ballaadhan ugu qaabili lahaayeen Asma Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, si ay ugu bogaadiyeen, uguna hambalyeeyaan go’aanka geesinimada leh ee ay aabaheed ugu saartay mid ka mid ah Kelyaheeda xilli uu aad ugu baahnaa, maadaama oo uu ku jiray xaalad caafimaad oo ahayd inuu helo Kelli lagu rakibo.

Waxa kale oo ay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay qayb ka qaadato caafimaadka Aabaheed oo ay sheegtay inuu Xaq ku leeyahay, Illaahay-na ugu mahad-naqayso in caafimaadkiisu uu sideeda oo kale aad u fiican yahay.
Asma Sheekh Aaden-Siiro, waxay ku jirtaa Jaamacad ku taalla dalka Suudaan, haseyeeshee markii xaaladda Caafimaad ee Aabaheed u baahatay in gacan laga geysto, ayay ugu tagtay magaalada Hydrebad ee dalka Hindiya, halkaas oo uu ku yaallo cusbitaalka lagaga saaray Kellida lagu rakibay Aabaheed oo isagana caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay xilligan.
Asma waxa safarka ay kaga imanayso dalka Hindiya ku wehelinaya Waliid Maxamed Cali oo ah Saygeeda, isla markaana muddadii ay xaaladda caafimaad u joogtay halkaasi la joogay oo uu la socday Caafimaadkooda.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment