
Waxa aanu halkan ku soo gudbinaynaa Qiimayn jariiradda Wallstreet Journal ka samaysay saamaynta xiisadda ka aloosan dalka Yemen ku yeelan karto Qiimaha Shidaalka Adduunka.
Maxay Yemen muhiim ugu tahay Suuqa Shidaalka adduunka?
Yemen waxay soo saartaa shidaal yar, laakiin waxay ku taalaa Xuddunta marinnada ganacsi ee ugu muhiim adduunka. Waxa uu dalkani xuduud dheer dhinaca Koonfur-galbeed kala leeyahay waddanka Sucuudiga, waxaanu yaalaa marin-biyoodka Baabul-Mandab oo ah marinka Afraad ee tirada ugu badan Maraakiibta adduunku ka tallaabaan, waxaana tirakoob la sameeyey sannadkii 2013-dii lagu sheegay inay ka tallaabeen maraakiib sidday in ka badna 3.8 Milyan oo Foosto Shidaal ah. Haddii uu Marinkani Xidhmo, waxa Maraakiibta shidaalka xambaara ee ka dhex-tallaaba marin-biyoodka Suez Canaal isla markaana u socda dhinaca Gacanka Beershiya inay ka soo wareegaan Koonfurta Qaaradda Afrika.
Siday Suurta-gal ku tahay inuu Xidhmo Marin-biyoodka Baabil Mandab?
Dadka falan-qeeya siyaasadda Bariga Dhexe waxa ay aaminsan yihiin in Malleeshiyaadka Xuutiyiinta oo taageero ka hela dowladda Iran ay haystaan hub casri ah oo sababi kara inuu xidhmo marin-biyoodku ama ku keeni kara khal-
khal ku yimaadda isu-socodka maraakiibta. Balse Xuutiyiinta ayaa hore u sheegay inaanay xidhi doono Isu-socodka Maraakiibta xambaara Shidaalka.
Shidaal Intee le’eg ayuu dalka Yemen oo saaraa?
Dalka Yemen waxa uu soo saaraa shidaal aad uga yar marka la heelo heerka caddadka waddamada Bariga Dhexe, sannadkii 2013-kii waxa uu soo saari jiray 130,000 maalintii, halka wixii ka horeeyey kacdoonkii dalkaas ka dhacay sannadkii 2011-kii ay tiradu ka ahayd 440,000 foosto maalintii.
Qalalaasaha siyasadeed ee ka jira dalka Yemen, ayaa sababtay in shirkadihii shidaalka ka soo saarayey ay shaqaalahooda ka daad-gureeyaan dalkaas dhowr todobaad ka hor weerarka xagga cirka ah ee Sucuudigu ku qaaday. Shirkadaha Shidaalka ka soo saara dalka Yemen ee shaqaalahooda kala baxay waxa ka mid ah Occidental Petroleum Corp, DNO ASA, Dove Energy Group & Nexen Inc.
Xaaladda Qalafsan ee Yemen Kor-u-kaca Qiimaha Shidaalka
Waxa jirta cabsi laga qabo in qiimaha Shidaalku adduunku kordho haddii Xiisadda ka taagan Yemen saamayn ku yeelato gobolka, waxaanay tani ku xidhan tahay hadda sida ay dowladda Iran uga jawaab-celiyo hawl-galka Sucuudigu hoggaaminayo.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment