Tuesday, March 3, 2015

La-taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee Beelaha La-hayb-sooco oo Is-casilay, sharraxayna Sababta ku kalliftay

Hargeysa, 03 March, 2015 (Himilo)- La-taliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynaha Somaliland u qaabilsanaa arrimaha Beelaha la-hayb-sooco Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa xilkaas iska casilay Isniintii shalay mar uu Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu is-casilaaddiisa ku sababeeyey Saami la’aan Beeshoodu ka tirsanayso Xukuumadda talada haysa iyo ballan-qaadyo Madaxweynuhu hore ugu qaaday oo aan rumoobin, ka dib markii Cid Beelahaas ka soo jeedda laga waayey Isku-shaandhayn, Magacaabis iyo Xilka-qaadis Madaxweynuhu sameeyey Niskii-dambe ee Habeennimadii Sabtidii toddobaadkani soo galaysay.
LA-TALIYE BARKHADLa-taliyihii Arrimaha Beelaha la-hayb-sooco ee Madaxweynaha Somaliland Barkhad Jaamac Xirsi, waxa uu sheegay in inkastoo marar badan uu Madaxweynuhu ballan-qaaday in arrimaha Bulshada la hayb-sooco uu wax ka qabanayo, haddana isku shaandheyntii u danbeysay ee toddobaadkan ay ku hungoobeen Beelahaasi, taasina ay tahay ta soo dedejisay go’aankan uu xilka iskaga casilay.
“Ummad dhan oo dunsan oo Xaqeedii Siyaasiga ahaa maqan yahay baan ka mid ahay, taas ayaa keentay inaan Xilka iska casilo, Xukuumadda iyo Madaxweynaha Xilkii aan u hayay ayaan iska Casilay. Laakiin, Xisbigii KULMIYE Golihiisa Dhexe ee aan ku jiray weli iskamaan casilin, iyadana markaan munaasib u arko, umadda aan ka tirsanahayna talo iyo tusmo aan ka weydiiyo, Ummadda reer Somaliland ee aan daneeyana kala tashado wixii ila habboon ayaan yeeli doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi.
“Madaxweyne, Maamus iyo sharaf ku waar waanan kaaga mahadcelinayaa wada-shaqeynteeni muddada soo socotey ee macasalaama. Somaliland guul iyo gobonimo waarta, shacabkeygow guuleysta waana igu balan ka shaqeynta daryeelka bulshada iyo danta guud.” Sidaa ayuu yidhi Barkhad Jaamac Axmed.
Barkhad Jaamac Axmed, La-taliyihii Beelaha la hayb-sooco ee Madaxweynaha Somaliland, ayaa noqonaya Masuulkii labaad ee 48 saacadood gudohood iska casila Xil uu ka hayey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaana ka horreeyey oo diiday inuu aqbalo, isla markaana is-casilay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyaddda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ka dib markii uu Madaxweynuhu u beddelay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo uu diiday inuu qabto xilkaas, sidoo kalena sheegay inaanu xilkaas iyo xil ka dambeeya toona ka qaban doonin Xukuumad uu Madaxweyne Siilaanyo Madaxweyne ka yahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment