
Ninkan oo taksiile ahaa, kuna noolaa duleedka Washighton, ayaa lagu soo oogay in uu xidhiidh lalahaa Xarakada Al-shabab oo uu mareykanku kudaray liiska kooxaha waxa loogu yeedho argagixisada.
Sida Washington Post ay qortay Liibaan ayaa doonayey in uu door muhiim ah kadhax qaato Al-shabab iyo in uu dhalinyarada uqoro Xarakada Al-shabab.
Liibaan Haji ayey FBI-da mareykanku dul dhigtay madaxiisa lacag dhan $50,000 oo lasii nayo cid walba oo soo sheegta xog isaga lagu soo qaban karo iyadoo hay’ada Sirdoonku ay qaadeen olole dhanka baraha bulshada ah oo xogta ay kusoo gudbin karaan cid-walba oo Liibaan warbixin kahaysa.
Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in ay ku raja weyn yihiin in dowlada Somalia ay Liibaan kuwareejiso sirdoonka Mareykanka.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment