Saturday, March 7, 2015

“Ma Jirto lacag madaxtooyada la iga amray inaan Bixiyo oo aniga iyo Madaxtooyadu aanu isku afdhaafnay, Haddii ku-tidhi-ku-teentaas suuqa la geliyeyna…..”Wasiirkii hore ee Maaliyadda

teenHargeysa:Mar,07,2015(Himilo)-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta ka Hadlay Sababa keenay inuu dhasho khilaafkii sababay inuu ka cudurdaarto qabashada Xilka Wasaaradda Waxbarashada, taas oo markii dambe keentay inuu iscsilo.

Wasiir Samaale, ayaa mar uu ka Hadlayey Madal uu xilkii wasaaradda Maaliyadda ku wareejinayey si dadban uga Hadlay Sabaha khilaafka isaga iyo Madaxweynaha, waxana uu ku koobay kaliya inay jiraan cid dhexdooda ka shaqaysay oo isku dhufatay, waxanna uu isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,

“Laba qof oo kasta oo wada shaqeeya oo isjecel ikuna xidhan saaxiibana ahi Xasad iyo xaasid ayey leeyihiin, dad baana jira Warka inta xun uun ka shaqeeya iyo iskudirka iyo kala fogaynta.”

Mudane Samaale oo ka sheekeeyey qiso Munaafiqiin hore ka sheegeen Sawjadii Rasuulka SCW ee Caa’isha Bintu ABii Bakor, ayaa sheegay inay fududahay in la iska horgeeyo laba qof oo siyaasadda kaaalin ka wada shabaya,

“Hadii Rasuulkii iyo Sawjadiisii la kala kaxeeyey xilligaas, miyaan Maanta dad siyaasadda meel ka wada ciyaaraya miyaan si fudud lagu kala kaxayn Karin oo war lagu kaxayn Karin.” Ayuu yidhi Mudane Samaale.

Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu sheegay inaanu madaxweyne Siilaanyo ahayn nin Hantida umadda u hamuun qaba, waxana uu yidhi,

“Madaxweynaha somaliland waxa uu ilaaliyey Hantida Umadda, Inta aan ka bartayna ma aha nin baahi u qaba Hantida umadda, waxa uu Garab iyo Gaashaanba iigu ahaa Ilaalinta Hantida qaranka ee Wasaaraddaa Maaliyadda ee aan Masuulka ka ahaa.”

Samaale waxa uu meesha ka saaray jiritaanka Warar dhawaanahan soo baxayey oo sheegayey in la isku seegay lacago madaxtooyadu dalbatay oo uu diiday, waxana uu yidhi,

“Ma Jirto lacag madaxtooyada la iga amray inaan Bixiyo oo aniga iyo Madaxtooyadu aanu isku afdhaafnay, Haddii ku-tidhi-ku-teentaas suuqa la geliyeyna waa Been aan waxba ka jirin, may dhicin mana laha madaxweynuhu Habdhaqanka noocaas ah.”

Isagoo si gaar ah uga warramaya xidhiidhka xilligan uu la leeyahay Madaxweyne Siilaanyo ayuu sheegay inuu yahay mid fiican, waxana uu ku adkaystay inuu hankiisii rabitaanka Hogaanka Waddanku uu halkiisii yaalo,

“Xidhiidhkayaga aniga iyo Madaxweynuhu hore wuu u fiicnaa, imikana wuu fiican yahay, waanu jiri doonaa sidii aanu awalba isku ahayn iyo si kasii fiican ayaanu isku ahaan doonaa, una wada shaqayn doonaa, Xisbigayaga Kulmiye ee aan Madaxweynaha la aasaasay Aasaasayaashiisa kamid ahaa oo rag badan oo maanta xisbigaa ku jiraa Xilliyo dambe ay soo galeen Kaalintii aan kaga jirey ayaan kaga jiri doonaa, Hankaygiina waa Halkiisii, Waxana aanu iskaashan doonaa Madaxweynaha Somaliland iyo Xisbigaba, sidaasaana aanu mid ahaan doonaa.”ayuu yidhi Samaale.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment