Saturday, March 7, 2015

“Walaalkay Madaxweyne Siilaanyo markaan la kulmay, waxaan ku idhi; ‘Kursigayga haddii Midnimadii lagu raadinayo waa iga diyaar…”

“Inkasta oo kulammadii wadahadalladu qabsoomi waayeen, haddana waannu is-aragnay Weftiga Somaliland, fursado badan baannu isu helnay oo aannu ku sheekaysanno…Rejo badan-na waannu ka qabnaa in Soomaaliya Midawdo..” Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)
Muqdisho, 07 March, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa laga soo weriyey inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u sheegay inay doonayaan in la isku raaco midnimo Koonfur iyo Woqooyi dhex-marta oo ka beddelan tii dhex-martay 1960-kii, isla markaana uu diyaar u yahay haddii Midnimadu ku imanayso Kursiga uu ku fadhiyo ka kacayo oo uu isaga u bannaynayo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo ka mid ahaa Xubnaha Soomaaliya u soo dirsatay shirkii wejiga siddeedaad ee wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee ay ahayd inuu Axaddii toddobaadkii hore oo 1-dii bishan March ku beegnayd magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, balse fashilmay, markii ay Ergada Somaliland metelaysay ka biyo-diideen Ergada Soomaaliya oo ay Wasiir Maareeye iyo saddex xubnood oo kale oo Somaliland u dhashay ku jireen, ayaa sheegay inkasta oo aanu hirgelin shirkaas wadahadalladu, haddana ay fursado fiican oo ay ku wada sheekaystaan isu heleen Weftiga Somaliland ee ay Turkiga ku kulmeen. Waxaanu Wasiirku sidaa ku sheegay Su’aalo lagu weydiiyey Barnaamij hal saac socday oo arrimo badan lagaga waraystay Maareeye oo ka baxay warbaahinta dawladda Soomaaliya.
Maareeye oo la weydiiyey in dad badani u arkaan in wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyaa yihiin kuwo madhalays ah oo muddada saddexda sano ah ee ay soo socdeen aan wax natiijo ah laga gaadhin, ha ahaado kii u dambeeyey ee fashilmay ee 1-dii bishan March ka furmi lahaa Turkiga, balse lagu kala dhaqaaqay markii la isku fahmi waayey xubnaha ka socday Soomaaliya oo lagu soo daray xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo uu isaga laftiisu ka mid ahaa. Sidaa darteed, Maareeyaha waxa la weydiiyey waxa ay tahay rejada ay dawladdoodu ka qabto inay Somaliland ku qanciyaan midnimada Soomaaliyeed?
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka jawaabayey su’aashaas waxa uu yidhi; “Rejo aad iyo aad u wayn baa laga qabaa, marka ugu horreysana inay wadahadalladu bilawdaan oo la wada fadhiisto ayaa muhiim iyo guul ahayd, dadka Soomaaliyeed waad ogtahayoo markay wax kala tawdaan, waa dad hab qabiili ah u samaysan, tabashada gudohoodana ka horumariya dano badan iyo xafiiltanka gudohooda oo dano badani ku seegaan, oo runtii dhaqan aan loo baahnayn ah. Sababta oo ah dadyawga caalamka oo dhami marka aad shan qodob lix qodob ay idinka dhexeeyaan waxa laga yaabaa inay shan qodob idiin noqdaan kuwo aad ka siman tihiin oo dan wadaag ku tihiin, hal ama labana aad ku kala duwan tihiin oo isla fahantaan.”
Waxa uu Maareeye intaas ku sii daray ee uu yidhi; “Laakiin, Soomaalidu halkaas aad ku kala duwan tihiin ayay shantii aad ka sinnaydeen ka soo horumarinaysaa. Markaa, waxa loo baahan yahay in laga gudbo, labada Shacab iyo labada Maamul-ba waxa ka dhexeeya dano aad u badan oo ay tahay in laga horumariyo waxyaala la tabanayo. Waxyaabaha ay Somaliland hadda tabanayso dawladda, Madaxweynaha, Raysal-wasaaraha, Xukuumadda iyo Shacabka deeggan Koonfurta Soomaaliya ay meelo badan ka sheegeen inay ka garaabeen waxyaabaha ay tabanayaan Maamulka Somaliland, diyaar-na u yihiin in la daweeeyo.”
Wasiir Maareeya waxa uu sheegay inay fursado fiican oo ay ku wada sheekeeysteen isu heleen Weftiga Somaliland u dirtay shirkii ku fashilmay Istanbul, waxa uu yidhi; “Markaa, inkasta oo kulammadii wada-hadalladu qabsoomi waayeen hadda, haddana waannu is-aragnay Weftiga Somaliland, fursado badan baannu isu helnay oo aannu ku sheekaysanno, dibna waa u furmayaan wadahadalladu, rejo badan-na waannu ka qabnaa in Soomaaliya midawdo, oo ay ku midawdo nidaam ka horumarsan kii aynu ku soo dhaqmi jirnay ee wax walba dawladda dhexe ay gacanta ku hayso, oo laga dhigayo Maamul baahsan oo adeegga dawladnimada qof kasta gurigiisa loogu geynayo, oo dawladnimadana la wada maalayo, ayaa qorshaha dawladdu yahay oo aan filayno in Insha Allaahu Somaliland oo keliya maahee Soomaalida oo dhani nala fahmaan, waayo adduunka oo dhan baa midoobaya, innagana innooma qalanto inaynu isa-sii qoqobno, waa inaynu beddelnaa oo aynu ka qayb-qaadanno midnimada Soomaalida oo keliya maahee xataa ta gobolka (Geeska Afrika).”
Waxa Maareeye la weydiiyey inuu dawladda Soomaaliya ka galay dhinaca gobollada Somaliland oo uu u dhashay, isla markaana uu ka mid ahaa wada-hadalladii fashilmay ee u dambeeyey xubnihii dawladdu u dirtay, sidaa darteedna uu dhinac walba xogo fiican ka hayo, markaa sida la isu waafajin karo labada go’aan ee Somaliland oo taagan gooni-isu-taaggu waa lama taabtaan, Soomaaliyana taagan tahay Midnimadu waa lama taabtaan muqaddas ah? Waxaanu ku jwaabay; “Labadaas qodob ee aad sheegtay waxay ku kala qoran yihiin labada Dastuur ee dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, dabcan kan midnimadu waa muqaddas mabaaddii bay noo tahay, waayo waxaannu doonaynaa in Soomaali intii isla jirtayna ay isla jirto, intii kale iyo gobolkana aan la midawno. Waayo? Midnimadaasaa sidaan hore u sheegay nolosha iyo horumarku-ba ay ku jiraan.”
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, waxa uu sheegay in Somaliland dhismeheeda iyo samaynta Dastuurkeeda ee qodobkaasi ku qoran yahay ay keentay duruuf ka dhalatay dagaalladii dawladdii dhexe ee Soomaaliya la gashay sannadihii siddeetamaadkii oo uu ku tilmaamay inay si cadaawad leh ula dagaallantay dadka ku dhaqan Somaliland, inkasta oo ay meelo kale oo dhulka Puntland ka mid yahay ay dawladdii Siyaad Barre dagaallo arxan-darro ah ka gashay sida uu sheegay, haddana waxa uu caddeeyey inay ugu qadhaadhaayeen dagaalladii ay dawladdaasi la gashay Shacabka Somaliland iyo Ururkii SNM, si aan taasi mar labaad u soo noqonna ay sidan u sameeyeen Somaliland.
“Iyaguna Somaliland waxay samaysteen xilli ay ka soo baxeen dagaal runtii dhiig badani ku daatay oo aan u qalmin inay dawladda dhexe oo qaadaysa cashuurtii inay ciidankeedi dagaal la galaan shacabka, xilligaas bay iyagu sameysteen, duruuf baana keentay, waxaanay islahaayeen, dilkii, dhicii iyo burburki yaanay mar dambe idiin soo noqonnin. Laakiin, dee dad baa samaystay, dadkii samaystay baannu hadal kula jirnaa, waxaanannu diyaar u nahay wixii ay ka tawdeenna in laga daaweeyo, nidaam u xaqiijinaya inay mid dambe ka badbaadayaanna u samayno, maaha iyagoo keliya ee waa Soomaali oo dhan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).
Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaas ku daray; “Markaa, Dastuurka sameeyey ee sidaas ku qoray ayaannu doonaynaa inaannu ku qancinno inay midnimada nala qaataan, midnimo ka beddelan tii 1960-kii markii ay yimaaddeen Koonfurta kala kulmeen mid ka beddelan, ka dano badan oo ka qurux badan, rejona waan ka qabnaa. Markaa, rejada Soomaalidu ka qabtaa labadan qodob way adag tahay. Laakiin, waxa weeye in Soomaalidu dad isjecel yihiin. Gobollada Waqooyi ee Somaliland ee qoray goosashadu muqaddas bay noo tahay, waxa cad inay yihiin dadkii Midnimada keenay Koonfur, ee markii la yidhi; ‘maxaa idiin shardi ah? Yidhi; ‘wax noo shardi ahi ma jiraan, waxa keliya noo shardi ah in Soomaaliyi midawdo. Dadkaasi markaa garashada, wanaagga iyo tanaasulka ay sameeyeen wax cad inaanay helin garasho u cad-gawsa way qabaan dadku inaanay kala kulmin Koonfur Garasho u cad-gawsa. Laakiin, haddaa diyaar loo yahay.”
Maareeye waxa uu sheegay in Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Farriin faray markii uu dirayey Weftiga uu ka midka ahaa ee Soomaaliya u metelayey shirkada wadahadalka ee fashilmay toddobaadkii hore, waxaanu yidhil “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud hadda markuu na dirayey, wuxu nagu yidhi; ‘Walaalkay Madaxweyne Siilaanyo markaan la kulmay, waxaan ku idhi; ‘Kursigayga haddii Midnimadii lagu raadinayo waa iga diyaar.’ Markaa, tanaasul intaas le’eg oo ka badan ayaannu u haynaa, keliya waa inay dadka Somaliland soo dirsadaan dad aan Siyaasiyiin ahayn oo Kursigayga sideen ku helayaa ama ku waayayaa ahayne, dad caadi ah oo Koonfurta la sharraxa oo yidhaahda, annagu halkaas baannu taagannahaye maxaad noo haysaan, su’aashaasi markay timaaddo wanaag oo dhan baa imanaya, dadka oo dhanina way ku qancayaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment