Hargeysa, 19 April, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay xilkii uu Qaranka u hayey ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Yuusuf Ismaaciil Cali, kaasoo uu xilka-qaadistiisa ku sababeeyey wada-shaqaynta Guddiga Caddaaladda iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo adkaatay iyo cabashooyin ka taagan Garsoorka dartood markuu arkay uu go’aansaday xilka-qaadistiisa.
Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay markii Saacadda Hargeysa ahayd 11:06 (koow iyo tobankii iyo lix daqiiqo) ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaasoo Xambaarsanaa Digreetada xilka-qaadista ahayd ee Madaxweynuhu xilka kaga xayuubiyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, ayaa lagu xusay sababta Madaxweynuhu ku eryey Guddoomiyaha Maxkamadda sare, kaasoo sidoo kale lagu sheegay in Masuulka beddeli doona Madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doono.
Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo Nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Himilo, waxa uu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxa uu Digreeto Madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/M/XERM/249-3197/042015 xilkii uu Qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo Madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona Masuulkii buuxin lahaa Guddoomiyenimada.
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: - Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: - Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: - Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddiga Caddaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada-shaqaynta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddiga Caddaaladdu; Markuu Arkay:- Cabashooyinka is-daba-joogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;
Markuu Yaqiinsaday:- In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka; Wuxuu Go’aansaday: In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Guddoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali. ALLAA MAHAD LEH.”
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment