Sunday, April 19, 2015

Sarkaal Al-Shabaab ka tirsan oo soo bandhigay saddex qodob oo uu sheegay inay sabab u yihiin Burbur ku yimaadda Kooxdaas

Soomaaliya, 19 April, 2015-(Himilo)- Sarkaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta qaybo ka tirsan dalka Soomaaliya, isla markaana weerarrada ka geysta dalka Kenya, ayaa sheegay in awooddii iyo isku-xidhnaantii hore ee Kooxdaasi hoos-u-dhac ku yimi, kaasoo uu sheegay inay sabab u yihiin saddex qodob oo keliyi.
AL-SHABAABNin Magiciisa ku sheegay Suleyman Cabdi oo ku magac-dheer (Abuu Ilyaas), kana tirsan Al-Shabaab, ayaa bogga uu ku leeyahay barta Twetter-ka ee Internet-ka, kusoo daabacay qoraal kooban oo uu kaga hadlaayo saddex arrin oo uu sheegay inay sabab u yihiin Hoos-u-dhaca ku yimid awoodda iyo dhaqdhaqaaqyada Kooxda Al-Shabaab iyo Khilaafka ka dhex aloosan wakhtigan. Abuu ilyaas, ayaa beeniyay in xilligani uu Hoggaanka Sare ee Al-shabaab dhab ka yahay Axdiga Jihaadka loogu yeedhaa, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale, Suleymaan qoraalkiisa ku sheegay inuu ka mid ahaa Jabhadda duur-galka ah, waxaanu tilmaamay in Kooxda uu ka tirsan yahay muddo uu ku sheegay 6 sannadood. Waxaanu intaas ku daray in uu ka mid yahay garabka Roobow oo fekir ahaan kasoo horjeeda qaabka loo maamulaayo Kooxda Al-Shabaab sannadihii u dambeeyey, waxaanu caddeeyay in Garabka uu Hoggaaminayo Axmed Diiriye oo ah Amiirka Al-Shabaab ee ka dib dilkii Godane uu xilligan qarka u saaran yahay inay burburaan.
Suleymaan oo hal hal qodob u soo qaadanaya saddexda qodob ee sababta u ah hoos-u-dhaca Kooxda ee Burburkeedana sababi kara sida uu saadaaliyey, waxa uu yidhi; “1- Hadafka Al-Shabaab oo geerida Aadan Ceerow ka dib noqday mid marba jiho cusub loo jeediyo, isla markaana loo adeegsado maslaxo gaar ah. 2- Sharciga oo Saldhig u noqday mid ay hoos qulquleyso ahdaaf aan muuqan dantii laga lahaa. 3- Kala shaki, tafaraaruq, aamminaansho la’aan, ka dhex curtay Kooxda iyo Hoggaanka Al-Shabaab oo u gacangalay Xubno aan ku xeel-dheerayn arrimaha Jihaadka.”
Hase-yeeshee, inkasta oo khilaaf culus oo hore u kala qaybiyey Kooxda Al-Shabaab dhawrkii sano ee u dambeeyey oo sahayday qaar ka tirsan Hoggaamiyeyaashii sar-sare ee Kooxdaas oo Soomaali iyo Ajaanib-ba isugu jiray markii ay iska hor-yimaaddeen Hoggaamiyihii hore ee AL-Shabaab Axmed Cabdi Godane, haddana awoodda Al-Shabaab ee dhinaca weerarrada argaggixisannimo weli hoos uma dhicin, waxaanay weli saamayn xooggan ku leeyihiin dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo ay dhawrkii sano ee u dambeeyey culays dhinaca nabadgelyada ah ku hayeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment