
Qoraalka Suldaanku soo saaray oo salka ku hayo tallo bixin uu xaaladda dalka iyo sida loo waajahayo xaaladda cusub ee la gelayo ku faaqiday oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Himilo ayaa u dhignaa sidan:
TALO BIXIN Qabashada doorashada iyo arrimaha muddo xileedka xukuumada ee gabogabada ku dhow iyo muddada loo kordhin karo.
1.Ugu horeyn komishanka doorashada qaranka waxaan u arkaa inay ka gaabsheen hanaankii lagu yiqiin komishanadii hore oo ku salaysnaa wada tashi dhamaanba laga talo galin jiray hogaamada bulshada qaybahooda sida Cullimo, Madax dhaqameed, Axsaab, Golayaal.
ururo bulsheed intaba waxaa tusaale inoogu filan sida ay u qorsheeyeen qorshaha diiwan galinta codbixiyaha oon ku dhisnayn talo shilis isla markaana ah weyd tamar daran xuub caarona kaba jilicsan waxay qorsheeyeen iyagoon aqoon waxna weydiin in july ay bilaabmayso diwangalinta codbixiyayaashu xilligaas oo ku beegan wakhtiga xagaaga loo yaqaan oo habayaraate dhulka xeebta oo dhan aanu ku sugnayn dadweyne laga diwaan gashaa oo xili xagaa bax lagu maqanyahay ah waxay kaloo sheegeen in ay afar bilood iyo bil tijaabo ah sida ay shaqadu u dhacday la qiimaynayo waa diisamber haddiiba roobabka dayrta yaraadaan alle inaguma keenee waa xili jiilaala oo dadweyneheena sida xoolo dhaqato oo dhami ay hayaamaan, maadaama oo ayna ku sar-goyn cimilada kala duwan marka laga yimaado haddana goldaloolada u weyn ee taal may cayimin doorashada xilligeedii ?
Waxa kale oo aynu ognahay in qaadhan bixiyayaashii inaga caawinaayay doorashadu diyaar la yihiin kharashkii laga rabay oo lagu qiyaasay 13milyan dollar diwaangalin iyo doorasho oo ah 75 boqolkiiba 25 boqolkiiba laga sugayo xukuumada isku soo wada duuboo wakhtiga aanay u talo baadi goobin sidooda hadaynu u dayno waxa waajiba in komishanku cayimo xiliga ay dhacayso doorashadu oo waajib saaran ah, qaydhiinka hawsha loo igmaday ee shaqadooda ah waxaan usoo jeedinayaa in ay ku asteeyaan bisha march 2016 bisha january, kaambaynkii bilaabmo wakhtiga sharcigu ogolyay sidaa dadka iyo dalkaba ugu cadeeyaan qoraxdana ka cadeeyan himilada looga fadhiyo .
- Dhinaca guurtida waa inay ka gutaan waajibadkooda oo qaranka ka badbaadiyaan muran khilaaf oo horseedi kara khalkhal muddada kordhintu ku salaysnaataa muddo kooban muddo xileedka iyo qabsoomida doorasho waxa dusha ka fuulayaa waa 8bilood iyo wax aan dhaamin waana la kordhin karaa inaan dalku ku dhicin dawlad la'aan
- xukuumada waa inay diyaarisaa kharashka kaga aadan hawlaha doorashada isla mar ahaantana aanay ku fekerin sad bursiimo muddo kordhin wakhti badan
- Axsaabta mucaaridka waxaan leeyahay joojiya dawldad wadaaga iyo waxaan cidi idinku raaci karin oo fawdo keeni kara si degan u gar naqsada talada dalka cid idiin dhiibtay ma jirto oo tartamayaal baad ka tihiin waddo sax ah ku baadi gooba sidii tartan u dhici lahaa
- Dardaaran iyo gabo gabo guurtidu waa inay ka taliyaan sidii aanu khal khal iyo khilaaf inoogu iman lahayn wakhti qorshe lagu saleeyay oo macnaysan waa inay kordhinta ku qeexaan. Komishanka waxa looga fadhiyaa Jadwal dhamaystiran oo qeexan kuna cadahay maalinta doorasho dhacayso Ugu danbeyn shacabku waa inay ka taxadaraan cidkasta oo khalkhal iyo khilaaf wada xukuumad iyo axsaaba.
wabillaahi towfiiq.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment